caroog.net
38 Guurada Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM)” Qaybtii 2-Aad.
April 6, 2019 - Written by admin

38 Guurada Aasaaskii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM)

Qaybtii 2aad

Hoggaankii SNM ee Itoobiya tegey oo awel ba ay u guntanaayeen gocashooyin iyo hibasho ka soo jeedda habkii is raaca Soomaalida ee labadii gobol ee 1960 ee degdegga iyo jibadda ku salaysnaa iyo natiijooyinkii ka soo baxay, ayaa hadimo kale u arkay salfudayd iyo hubsiino la’aan kale oo ay maanta na mar kale cid kula midoobaan sida SSDF oo markaas taas ka quuddarraynaysey!. Arrinta midnimada laba jabhadood ee mucaaridka ah waxa uu hoggaankii SNM mar kasta ka qabey kalsooni-darro lahayd lifaaqyo qabali ah.

Hoggaankii SSDF oo kaashanaya Itoobiya iyo Libya iyo qolyihii kale ee gacansaarka la lahaa ee Koonfurtii Yaman iyo Cuba, waxa uu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay in kooxdan yar ee cusub aan faran kale iyo saldhigyo loo oggolaan, kuna soo biiraan oo hoos yimaaddaan hoggaankiisa.

Hal-adayg uu muujiyey hoggaankii kooxda SNM iyo saraakiil badan oo hoggaankaas taageersan oo gudaha ka soo tallowday iyo Jebintii Xabsiga Mandheera oo la haystayaal siyaasadeed ku jireen oo laga soo daayey ayaa kor u qaadday sumcaddii iyo aqoonsi siyaasadeed oo kooxda SNM Itoobiya ka helaan, taas oo jebisay xummaddii iyo hungurigii hoggaanka SSDF, horseedday na sii kala fogaansho iyo shaki labada hoggaan ka sii dhex hanaqaada oo waayaha halganka iyo labada jabhadood la sii guurguura oo raaca.

Waxa kale oo midnimada jabhadaha sii fogeeyey ku dhegganaantii hoggaaminta SSDF ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, taas oo oo xitaa SSDF dhexdeeda ka abuurtay fadqalallo iyo iska horimaadyo rag magac lahaa galaafatay.

SNM iyo Kala Duwanaantii Afkaareed

Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM waxa uu ahaa urur halgameed shacbi oo dib u xorayneed. Waxa ururkaasi marxaladihii uu soo maray kulmiyey oo isugu yimi dad kala duwan oo afkaaro kala duwanna kala walwaalayey oo xambaarsanaa.

Arrinta goosiga ama la soo noqoshada Somaliland ee Gobolladii Waqooyi fikir ahaan mar wal ba oollimaad waxa uu ku lahaa ururka dhexdiisa. Hase yeeshee wixii 1988 iyo guda-galkii iyo burburkii weynaa ka horreeyey waxa afkaartaas aaminsanaa inta ugu yar dadkii SNM ka midka ahaa, mararka qaarna waxa ay ahayd ba afkaar shiiqday oo cidi ba kama wada hadli jirin. Taasi in ay jirto (goosashadu) la yaab ma lahayn oo 1961 waxa soo if baxay dareen goosasho markii koox saraakiil ahi u hollatay in ay jaraan gobolladaas oo midowgii dib uga noqdaan.

Dadka qubanaha ah ee SNM isugu yimi badankoodu waxa ay afkaar ahaan rumaysnaayeen in aan waddanka la kala jarin, hase yeeshee waxa loo badnaa oo la aaminsanaa in wax laga beddello oo dib loogu noqdo qaabkii degdegga iyo jibbada ku salaysnaa ee midnimada labada gobol u dhacday 1960.

Hab federaal ah in midowga labada gobol lagu saleeyo fikir ah ayaa maskaxda inta badan ka guuxaysey, walow ay jireen kooxo xitaa aan federaalka ba la dhacsanayn oo lahaa taliska ha la tuuro, caddaaladda iyo maamul wanaaggana ha la sugo uun.

Intaas iyo afkaaraha arrintaas ee dadka dhex yaalley marka laga yimaaddo ee loo kaco dhanka mabaadidii guud iyo barnaamijkii siyaasadda ee SNM waxa kuu soo baxaya sawir kale oo afkaarahaas macnaynaya. Qodobka 6-aad ee distoorkii SNM u dhignaa waxa uu qorayey: “Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”. Soomaaliya waxa halkan looga jeedaa labadii gobol ee midoobey 1-dii Julaay 1960.

Waxa kale oo arrinta hoosta ka sii xarriiqaya in SNM saldhigyo ku lahayd jiidaha xuduudda ku teedsan ee ku foorora gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool. Laga bilaabo 1984 waxa guddiyada fulinta iyo golaha dhexe ee SNM ka mid noqday xubno tiro badan oo Reer Koonfureed ah. Waxa hormood u ahaa xubnahaas Cali Maxamed Cosoble (Wardhiigley) oo AHN ahaa siyaasi caan ahaa oo reer Muqdisho ahaa, noqdayna guddoomiye ku xigeenkii SNM xilligii guddoomiyennimada uu qabtay Axmed Maxamed Siilaanyo. Cali Hagarrey, Cabdinaasir Sh. Cali, AHN, Cabdi Karuur, AHN, Khaliif Axmed, AHN. Col Gorgor, Maxamed Duqow iyo Sheekh Yarow ayaa ka mid ahaa ragga kale ee miisaanka lahaa ee Reer Koonfureedka ahaa ee maamulayey saldhigyadii Mustaxiil, Doolow, Buur Aaminow iyo Suufti.

La soco qaybta 3aad

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

COMMENTS
Latest News