caroog.net
Abwaan Caan Ka Ah Somaliland Oo Soo Jeediyay In Baadhis Lagu Sameeyo Sababta Keentay In Wakhtigan Wiil Dhalinyaro Ahi Calanka Soomaaliya Badhtamaha Hargeysa Ku Labisto,Kana Soo Horjeestay In La Xidho.
May 15, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net)  – Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ka tirsan Abwaanada dhalinyaradda ah ee reer Somaliland ayaa soo jeediyay in si mugleh loo baadho oo daraasad lagu sameeyo sababta keentay wakhtigan oo Shacabka Reer Somaliland isku diyaarinayaan Xuska maalinta ay madax bannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya ee 18-May uu wiil dhalinyaro ahi calanka Soomaaliya ku labisto badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Qoraal uu soo dhigay Abwaanku bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta.

Haddaad tidhaa “ Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inuu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan?

Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!.

COMMENTS
Latest News