caroog.net
Akhri: 5 – Qodob Oo Madaxwayne Muuse Biixi Hirgaliyay Kagana Duwan Yahay Madaxdii Ka Horaysay Iyo Go,Aan Qaadasho Geesinimo Leh Oo Aan Laga Xaasidi Karin
April 12, 2019 - Written by admin
4qodobb

5 Qodob Waa Muhiima Oo Madaxwayne Muuse Biixi Hirgaliyay Kagana  Duwan Yahay Siilaanyo Iyo Go,aan Qaadasho Geesinimo Leh Oo Laga Xaasidi Karin.

1) Madaxwayne Muuse Biixi Waxa uu noqday Madaxwaynihii Ugu horeeyay ee Xaaskiisa ka ilaaliyay farogalinta xukuumadiisa isla markaana lagu arag xaasaskiisa fagaaraha siyaasadeed iyo farogalinta awooda dalka,halka kuwo hore oo soo maray dalka ay xaalufiyeen dantii guud ee Qaranka.

2)Madaxwayne Muuse Biixi waa Madaxwaynaha awood u yeeshay inuu xakameeyo wasiiradiisa isla markaana 60% xakameeyay musuqmaasuq baahsan iyo hanti boob ay caan ku ahaayeen wasiirada Somaliland oo bil gudaheed guryo iyo hanti kasamaysan jiray awoodiisa iyo xatooyada miisaaniyada wasaaradiisa,taasi  oo Madaxwayne Muuse Biixi si wayn wax uga qabtay.

3)Madaxwayne Muuse Biixi Waxa Uu si gabasho lahayn xilka uga xayuubiyay wasiir ay isku beel yihiin kadib markii lagu helay Xatooyo qaran iyo musuqmaasuq Cabdiraxman Guri Barwaaqo oo lasheegay inuu wax isdabomariyay Madaxwayne Muuse Biixi masii daawane waxa uu ka eryay xukuumadiisa isaga iyo kuwo kaleba

Waxaana talaabadaasi loo arkay mid loo riyaaqo,halka Siilaanyo wasiir beeshiisa waligii xukunka ka qaadin isla markaana lacagihii ay xadeen imika qaar guryo kaga dhisanayaan Hargeysa.

4)Madaxwayne Muuse Biixi waa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee runta u sheega shacabka Awdal waxa uu ka aaminsan yahay isla markaana u sheegay inuu aaminsan yahay inay 16% ka yihiin Somaliland liqaana waxa ay ku helaan,taasi oo shacab badan u riyaaqeen runta meeshana ka saartay beentii reer Awdal isku maaweelin jireen ee Hooyada Somaliland,Waxaana sidoo kale meesha uu ka saaray kooxdii Khaatumostate ee Cali Khaliif oo isku badalay Caaqilka Hartiga Waqooyi.

5)Madaxwayne Muuse Biixi oo lagu doortay go,aan qaadasho iyo karti ayaa muujiyay dhiiranaan go,aan cadna ka qaatay Salaadiin iyo cuqaal Madaxtooyada buuxdhaafin jiray isla markaana Xafiiskiisu noqday meel shaqo dawladeed ka socoto oo aan lagu haynin salaadiin wasiiro badalaya  iyo shirar qabiil taasi oo looga  bartay Madaxwaynihii ka horeeyay.

Madaxwayne Muuse Biixi

Hogaamiye Aan kagaban Go,aankiisa

W/Q Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Booramanews

COMMENTS
Latest News