caroog.net
Akhri Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Qoraal Cajiib Ah Iyo Sawir Qalbiga Taabanaya Bulshada La Wadaagay.
February 6, 2020 - Written by caroog

“Maayir Miyir Qaba Oo Masuuliyadda Macnaheeda Fahmaya Ayey Shacabka Caasimadda Hargeysi Tabayaan”. Barkhad Jaamac Batuun.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal layaableh la wadaagay Bulshada reer Hargeysa kaasi oo uu kaga hadlayo dayacnaanta baahsan ee aan garawshiyaha lahayn ee uu kujiro Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid “Soltelco”.

Afhayeen Barkhad ayaa si cajiib ah u tafsiiriyay saluugga masuuliyadeed ee ka muuqata Maayar Soltelco iyo xaaladda aan kasoo kabashada lahayn ee uu ku sugan yahay, waxaana uu si qalbiga bini-aadanka taabanaysa uu ugaga hadlay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga kaasi oo uu ku lamaaneeyay sawir hooyo  danyar ah oo caano ku miisaysa koob qorax ah isagoo ku tafsiiriyay in hooyadaasi aanay ku baaqan wax cashuur ahi islamarkaana maayirkii waajibkaasi saarnaa uu ku jiro xaalad kale oo ay ka wada dharagsan yihiin Bulshada reer Hargeysa.

Waxa uu qoraalka Afhayeenku u dhignaa sidan “Maayir Miyir qaba Oo Masuuliyadda Macnaheeda fahmaya ayey Shacabka Caasimaddu tabayaan” 7da Sanno ka hor marku xilka Maayirnimo qabtay ilaa Maanta markaad Muuqaalka Caasimadda aragto waad ka Murugooneysa!”.

Hooyadani muruqeeda ayey maalaysa, waa Hooyo dalkeeda aamintay dadkeedana u adeegaysa. Waxays’e tabeysa kaalinti adeeg ee dawladda hoose!

Dammaanad Nololeed oo dawladnimo danyarteena waa u mihiim. Maayirka Ninka sheeganaya Cashuurteeda waxay cad-ceeda ka gasho inuu ugu sameeyo ayey aheyd, in uu meel billicsan oo ay bulshada ugu adeegto u sameeyo ayey aheyd, in uu Boodhka ka bad-baadiyey aheyd, in uu musqullo u sameeyo ayey aheyd, in meelo ay ku cibaadeystaan helaanbay aheyd, inu baylah oo dhan ka baydhiyey aheyd, Inu Billicda caasimadda casriyeeyo ayey aheyd, laakin cashuurta u ka qaado caanaha ay ceed-ceeda la fadhido guri iyo gaadhibu kaga jira! 7ba Sanno ka hor marku Xilka Maayirnimo qabtay iyo maanta muuqaalka caasimadda markaad aragto waad ka murugooneysa!

Xisbi ahaan Qorshahayagu waxa uu yahay in Maayirka Magaaladdu noqdo mid lagula xisaabtamo Masuuliyaddiisa oo aan kaliya lagu haleynin Wasaaradda Arimaha Guddaha balse Guddida la Xisaabtanka Maayiradda Oo heer-qaran ah la dhiso si ay u noqdaan Shaqaale shicib.

COMMENTS
Latest News