caroog.net
Akhri/ Daawo Buurmadow “ Xinif Labaatan Caruur Ah Iyo Laba Xaas Ayuu Burco Kaga Yimid Oo Aanu Dib Ugu Noqon, Oo Markay Noloshu Ku Adkaatay Dhuxusha Iibiya, Reer Burco-Na Way Yaqaanaan”.
June 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) –  Boqor Maxamuud Cismaan Buurmadow ayaa weedhihii ugu cuslaa ku ganay Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Xinif, isagoo badka soo dhigay masuuiyad-daro dhinaca qoyska ah oo gosha u saaran Xinif, waxa uu sheegay inuu Xinif xiitaa qoyskii uu ku lahaa Burco oo labaatan caruur ah iyo laba xaas ka kooban uu kasoo fakaday oo aanu dib  ugu noqon, kuwaasi oo markii ay ka qoysteen nolashooda isdabara, kana ganacsada Dhuxusha.

Boqor Buurmadow oo ka jawaabaya  hadal dhawaan kasoo yeedhay Xinif oo uu wax kaga sheegay shir uu Boqor Buurmadaw qaban qaabadiisa ku jiro oo uu ku shirinayo Beelaha Garxajis iyo Habar jeclo ayaa waxa uu yidhi“Inankaan Adeerka U Ahaa Ee Cabdikariin Waxa Uu Ahaa Inan Ku Wanaagsan, Wuxuu Bartay Diinta, Quraanka Ayuu Xifdiyay, Madarasad Ayuu Hayay, Ehelkiisii Oo Caa’ilad Labaatan Caruur Ah Iyo Laba Xaas Ka Kooban Intaba Ayuu Burco Gacanta Ku Hayay, Masaajidkiina Wuu Tabay, Ehelkii Iyo Xaasaskiina Way Tabeen, Shan Iyo Tobankaasi Sanno Ee Uu Kasoo Maqnaa Waxaan Qabaa Markii Ay Kafayn Wayday,Waad Taqaanaan Meherad Intaasi Oo Caa’ilad Ahi Ku Noolayd Markii Uu Kasoo Barakacay, Ee Uu Hargeysa Yimid Madarasadiisii Hore Ee Wanaagsanayd Madarasad Ka Xun Ayuu Galay,Oo Shan Iyo Tobankaasi Sannadoodba Siyaasad, Cay Iyo Telefishano Iyo Waxyaalo Aanu Dhaqan U Lahayn Ayaan Ku Arkayay”.

“Cabdkariin Waxba Kuma Celin Madarasadii Uu Shan Iyo Tobanka Sanno Kasoo Maqnaa Iyo Reerkii Oo Aynu Ognahay Nolosha Ay Ku Nool Yihiin,Oo Maanta Caa’iladdii Ay Lakacaa Kufayaan Hooyooyinkii Uu Kasoo Barakacay, Illaa Ay Dhuxusha Ka Iibsaan Oo La Yaqaano Oo Reer Burco Oo Dhami Ogyahay, Oo Aanu Maalin Ku Noqon, Madaxweynaha Waanu Uga Mahad Celinaynaa Inuu U Magacaabo Booska Barakacayaasha Maadaam Oo Uu Isagu Nin Soo Barokacay Ahaa, Laakiin Waxaan Rajaynayay Inuu Reerkiisa Ku Filaado, Caa’iladiina Kuma Noqon, Reerka Uu Kasoo Jeedana Waa Ninka Qudha Ee Aan Tacliin Lahayn, Reerka Uu Kasoo Jeedaa Waa Wada Aqoon Yahan, Way U Garteen Inuu Reerkiisii Ku Noqdo, Laakiin Wali Caa’iladiisii Kuma Noqon”.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Warka

COMMENTS
Latest News