caroog.net
Akhri: Hadal Dagaal Qabiil Hurin Kara Oo Kasoo Yeedhay Agaaasime Bile “Dhulka Madaxtooyadda Cusub Waxaa Iska Leh Qaranka, Maaha Hanti Qof Leeyahay”.
April 19, 2019 - Written by admin

Hargeysa-(Caroog.net) – Ciidanka amaanka Somaliland ayaa goob laga dhisayo madaxtooyada cusub ka raray qoys deganaa, kuwaas oo sheegay in xoog looga saaray guryahoodii.

Qoyskan laga burburiyey hantidii ay ku lahaayeen goobta madaxtooyada cusub laga dhisayo ayaa xukuumadda iyo madaxweynahaba ku eedeeyey inuu dhulkoodii xooga looga qaadayo. Qoyskan dhulka laga raray ayaa sheegay in Shalay salaadii subax ciidanku xoog kaga soo saareen qoyskan.

Waxa arintaasi batrool ku sii qabtay oo dabka kusii shiday hadal ka soo yeedhay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland hadalkaasi oo haddii aan laga daba tagin abuuri kara Colaad iyo dagaal jufooyin hoose dhex mari kara.

Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in qoysas badan oo deganaa si fiican uga guureen, haseyeeshee hal qoys oo kaliya ku hadheen, waxaanu ku dooday in dhulka qaranka marka loo baahdo cid walba laga qaadi karo, hadalkaasi ayaa cadho badan abuuray islamarkaana si gaar ah u taabtay beesha ay kasoo jeedaa qoyska xooga loo adeegsaday.

Waxa hadalkiisii ka mid ahaa“Way jiraan dad faro badan oo laga raray oo dadkii caadiga ahaa mar hore ayay ka guureen, oo 99.9% way ka guureen, waxa ku hadhay uun qoys kaliya, dhulkana waxa iska leh qaranka maaha hanti uu qof yeelanayo”ayuu yidhi Agaasime Bille.

Dhulkan madaxtooyad cusub laga dhisayo ayaa ku yaalla duleedka Koonfur Galbeed ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ah meel banaan, haseyeeshee waxa ku doodaya inay leeyihiin qoys magaaladda caan ka ah oo la yidhaa Ilma Xasan Dalab.

COMMENTS
Latest News