caroog.net
Akhri War Yaableh: Xildhibaano Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Gurigiisa Ugu Tagay Si Ay Uga Soo Baraystaan, Dhabarkana Uu Uga Soo Taabto!!.
June 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo kawada tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa saaka Booqasho layaableh ugu tagay gurigiisa Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Labadan Xildhibaan ayaa sheegay in Booqashadda ay ugu tageen saaka Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ay ahayd mid ka duwan booqashooyinkii hore ee la yaqaanay. Waxa ay sheegeen inay ugu tageen sidii ay uga soo barakaysan lahayeen ee uu dhabarka uga taaban lahaa, islamarkaana uu labadoodaba dhabarka kasoo dhirbaaxay.

Labadan Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay inay Qoorta u soo sudheen Axmed Siilaanyo Ubax ay sheegeen inay ugu muujinayeen Gacalka iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabaan.

Si kastaba ha noqotee arintan ayaa  u sansaan eg fariin ay labadan Xildhibaan Bulshada iyo Siyaasiyiinta dalka jooga ugu dirayaan taasi oo ay ugu sheegayaan inaanay wali haynin hogaamiye dadka isku wada oo la mid ah Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

.

Image may contain: one or more people and people standing

COMMENTS
Latest News