caroog.net
Akhri Wariye Cabdirisaq Terra Oo Kashifay Raggii Basaasay Ee Xidhay Wariye Coldoon“Saddex Daqiiqo Ka Hor Intaan La Xidhin Ayey U Yimaadeen”.
April 18, 2019 - Written by admin

Wariye Cabdirisaq Terra ayaa badka soo dhigay Sawirradda laba wiil oo garbihiisa taagan Wariye Coldoonkii Xalay la xidhay, kuwaasi oo uu ku sheegay inay yihiin raggii basaasay ee Ciidanka Bilayska ku soo hogaamiyay, waxa uu sheegay inay daqiiqado yar ka hor la joogeen islamarkaana la aqoonsaday inay Hawlgalkii lagu qabtay Xalay Coldoon ay hogaaminayeen.

Wariye Cabdirisaq Terra ayaa sawiradda uu oo soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu dul dhiga Qoraalkan kooban “Saddex daqiiqo ka hor intaan la xidhin ayey u yimaadeen wiilshani, waxaanay ku yidhaahdeen carar askar baa kugu soo socotee, carar ayuu is dhahay waana la qabtay keligood ayaa ogaa halka uu Burco kaga sugnaa.

Itoobiya kolkay kasoo wada noqdeen ee Burco yimaadeen sida Abdilmalik Musa Coldoon ii sheegay xataa taleefanada way ka qaban waayeen!, Caawana si’ay walaalkoodi aaminay u shirqoolaan ayay booliis ugu soo horkaceen!

COMMENTS
Latest News