caroog.net
Akhri: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Oo Xaalad Laba Daran Mid Dooro Ay Soo Waajahday Iyo Ubadkiisii Oo Madaxweyne Muuse U Xidh Xidhan!!!
April 20, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ay soo waajahday Xaalad Culus oo ah inuu laba go’aan oo u daran uu kala doorto, kadib qaar ka mid ah Ubadkiisii oo u xidhan Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiir Maxamed Muuse ayaa laga sugayaa inuu kala doorto inuu Xilka uu Xukuumaddan kahayo iska casilo iyo inuu ka guuro gurigiisa oo ay kala irdhoobaan Ubadkiisa islamarkaana uu ku sii dhegsanaado xilka wasiirnimada.

Arintan ayaa ka abuurantay Muran dhul ah oo soo kala dhex galay odayga Wasiirkan sodogga u ah ee uu inantiisa Qabo Maxamed Xasan Dalab iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo saamayn ku yeelatay qoyska Wasiirka islamarkaana ay shalay dhacday in xabsiga lagu guro laba caruur ah oo uu wasiirkani dhalay kuwaasi oo ka qayb qaatay dhaq dhaqaaqa ay qosyka reer Xasan Dalab ku dalbadayaan cadaalad iyo in loosoo celiyo dhulka loo asdeeyay Madaxtooyada Cusub oo ay ku doodayaan inuu Madaxweyne Muuse Biixi xooga kaga qaaday.

Wasiir Maxamed Muuse ayaa la sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu dhex dhexaadiyo Madaxweynaha iyo qoyskan uu gacalka la yahay balse uu u taag waayay kadib markii uu Madaxweynuhu ka diiday in wax xuquuq loo waydiiyo qoyskaasi, islamarkaana uu Madaxweynnuhu ku adkaystay in dhulkaasi aanay qoys keli ahi lahayn ee uu qoysas badan ka dhexeeyay dadkii kalena ay iskaga guureen balse ay qoyskani madax adayg muujiyeen.

Wasiirka ayaa laga dhursugayaa go’aanka uu qaato.

Xoggo kale oo Faah faahsan Caroog.net kala soco

COMMENTS
Latest News