caroog.net
Akhri Xogtan: Safiir Baashe Cawil Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ladqabe Ka Dhex Wada Boqor Buurmadaw Iyo Muuse Biixi, Kulan Ujeedadiisa La Qariyayna Ku Qabtay Magaalada Dubai.
June 7, 2019 - Written by admin

Dubai(Caroog.net) – Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Baashe Cawil iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan ujeedadiisa la qariyay Dalka Imaaraatka Carabta kula yeeshay Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw, kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Siyaasi Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiyiin kale.

Kulankan ayaa loo fah mahay inuu yahay mid maalmahan la hadal hayay oo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Biixi iyo Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw oo mudooyinkan dambe aad ukala aragti fog, dhawr jeerna uu boqorku Warbaahinta ka weeraray Xukuumadda Muuse Biixi.

Boqor Buurmadaw ayaa hadalkiisii u dambeeyay ee Doraad dhayda ka cadeeyay inaanu Muuse Biixi daacad ka ahayn nabad ku soo dabaalida Deegaanka Ceel Afweyn iyo inuu cadaaladda hor keeno ragga dhagar qabayaasha ah ee dilalka ka gaysta deegaankaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ugu dambeeyeen raggii saraakiisha Ciidanka ka tirsan ku laayay Gar-adag oo uu sheegay inaanay illaa hadda Xukuumaddu gacan ku soo dhigin arintaasi oo ku dhaliilay farsamo Xumo uu sheegay inay Xukuumadda haysato.

Sikastaba hanoqotee Sida Muuqata, Boqor Buurmadaw ayaa loo baryayaa inuu Xukuumadda la shaqeeyo oo uu ka daayo Oof wareenka iyo dhaliisha joogtada ah.

Hoos Ka Eeg Sawirka Kulankan Maanta Ka Dhacay Dubai.

Image may contain: 9 people, people smiling
Image may contain: foodImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: one or more people and indoor

COMMENTS
Latest News