caroog.net
Akhriso :Toban Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dhibaatada Dalkeena Iyo Dadkeena Heesata
July 6, 2019 - Written by caroog

Waxaan horay uga soo sheekaynay tobon qodob oo dhibaato ku ah dadka Soomaaliyeed kuwaas oo dib udhac ukeenay bulshadeena, waxaana ka harnay adduunkii oo dhan.Haddana waxaan soo gudbinaynaa toban qodob oo aan isdhihi karno waxay xal uyihiin dhibkaan nadaashaday haddii aan sidhab ah uwajahno.

  1. Waddaniyad: Qabyaaladda nadaashaday waxa keliya ee looga bixi karo waa waddaniyad in la helo si looga badbaado sunta qooshan ee qab niri ee qabyaaladda. Waxaa haboon in wacyigelin guud la sameeyo si aan uga hortagno qabyaaladda. Waxa keliya ee looga hortagi karo waa in lagu barbaarsho ubadka waddaniyadda iskuulaadka, macaahidda, jaamacaddaha iyo guriga lagu baro da’yarta waxbarata.

Waddaniyad haddii la helo waxa xaqiiqo ah oo dhab ah in lawaayayo qabyaalad waayo qof kasta wax ka awood badan baa haysta oo ah waddaniyad. Waddaniyadduna waa qadiyad ku jirta laabta ama quluubta qofka.Waddaniyaddu waa qof leh qab iyo iimaan, waxa uu ogyahay waxa xun iyo waxa wanaagsan. Wuxuuna iska ilaalinayaa  dhibkasta oo dadka saameyn ku yeelan kara ama caqabad ku ah. Waddaniyaddu waa shay qaaliya oo inaga maqan waana masuuliyad nawada saaran haddii aan nahay shacab iyo dowlad.

  1. Wacyigelin iyo ganaax: Waa in dowladdu xil iska saartaa sidii ay udabar jari lahayd qaadka oo nagu haya dhibaatooyin badan oo na aafeeyay sida dhaqaale burbur, caafimaad darro, qoys baaba’ iyo qaran dumis. Waa in dadka ka ganacsada loogu beddelo shaqo abuur kale oo dalka faa’ido uleh, dadka cunana laga wacyigesho khatartiisa iyo dhibka uuleeyahay.

Waa muhiim in dowladdu addeegsato awood dowladeed si ay dalka uga mamnuucdo musiibadaan Soomaalida maankii ka doorisey oo dalkoodii burburshay si loo badbaadiyo badqabka dadka Soomaaliyeed ee har iyo habeen raamsanaya caleemaha sunta ah ee lagu waraabshay biyo daroogaysan.Waa in dowladdu ganaax iyo lacago dheeraada ku soo rogto cidkasta oo dalka soo gelisa si looga dabar gooyo dalka Soomaaliya.Haddii la joojiyo waxaa isbeddelaya fekerka iyo wacyiga da’yarteena, waxayna helayaan waqti ay u helaan difaaca qarankooda, diintooda oo ay oogaan, guryahooda oo ay dhistaan, dalka kheyraadka ku jira oo ay la soo baxaan.

  1. Hubinta tayada waxa soo degaya: Waxaa muhiim ah in dowladu hubiso wax kasta oo dalka ka soo degaya haddii ay ahaan lahayd Daawada iyo raashinka. Waana labada ugu daran ee waddanka dibadiisa nooga yimaada. Waxaa xil ka saaranyahay dowladda mustaqbalka ubadkooda, caafimaad qabkooda iyo fiyoobidda maskaxdooda. Waxaa waajib ah in dalka laga mamnuuco wax kasta oo dhacay in aan la soogelin sidoo kalena in dowladu kantaroosho waxa waddanka gudihiisa ku jira.
  2. Caddaalad: Waa tiir kamida tiirarka dowladnimo waana mid waajib ah oo haboon in la helo si dadku uqancaan. Haddii la helo caddaalad Alle ayaa caddaalad baxshee waxaa yaraanaya dhibaatada hadda jirta, lama arkeen dhiig bini’aadam oo qubanaya, xaaraanta oo la banaysto, kufsiga oo la xalaashado IWM. Waana shayga keliya ee nawada deeqa.

Haddii caddaalad la helo waxaa xaqiiq ah in dalkaan hagaagayo, noloshuna is beddelayso, amnidarada oo laga baxo, qabyaaladda oo waddanka ka suusho. Waxa dadka isku hayana waaa caddaalad, diintuna aad bay noogu boorisay in aan ka shaqeyno caddaaladda iyo sinnaanta.

  1. Shaqo abuur: Waxa keliya ee aan uga hortagi karno tahriibka waa in shaqo abuur loo sameeyo da’yarta Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan aafada tahriibka iyo qar iska xoornimada. Haddii ay bulshadu hesho shaqo, waxaa meesha ka baxaya dilalka, jirinimada, xatooyada iyo amnidarada.
  2. Sinnaan: Waa in loo sinnaado wax kasta oo dalka yaal haddii ay ahaan lahayd kheyraadka dalka, waxbarashada, xilalka ama mansabka, shaqada iyo howl kasta oo laqabanaayo. Haddii sinnaan la helo waxaa laga taqalusayaa sadbursiga oo dadka jecel wax kororsiga waxa aad ka badbaadinaysaan dulmi iyo wax aysan xaq ulahayn.
  3. Daldalaad: Daldalaadu waa in qof laga soo lulo meel inta xarig qoorta looga xiro ayaa la dhahaa daldalaad. Waxaana daldalaad samaysa maxkamad iyo dowlad, waxaana lagu sameeyaa qof mujrim ah oo galay dembiyo waa weyn. Musuqa waxa uu ka mid yahay dembiyada ugu waa weyn ee adduunka dagaalka ba’an ugu jirto, waxaana laga cirib tiray waddamo badan oo caalamka ka mida. Wixii adduunka la dagaalamaysay waxay ku soo urureen Soomaaliya, waxayna ku faanaan in ay xadaan xoolaha dadweynaha iyo waxkasta oo lamidka ah. Waxaana waayadaan dambe aad noo saameeyay musuqmaasuqa iyo wax isdabo maridda. Si dhibaatadaan adduunku nagula yaabay aan isaga dabar goyno waa in qof kasta oo musuq-maasuq ku kaca la daldalaa si dadku isaga ilaashaan oo uga dheeraadaan, naftoodana ubadbaadsadaan, hantida dadkana ay isaga ilaashaan.

Waxaa xaqiiq ah haddii qof kasta oo xatooyo noocaas ah lagu helo la daldalo, waxaan helaynaa awood iyo dhaqaale aan ku xakamayno hab nololeedka bulshada.

  1. Ku dhaqanka Diinta: Haddii lagu dhaqmo diinta islaamka oo layska dhaafo xeerarkaan laga soo minguurshay dowladaha reer galbeedka ama xeerarkaan ay samaysteen oday dhaqameedada waxaa la helayaa ummad xalaal ah oo haysata xariga Eebbe iskana jirta debinta ay gaaladu umaleegayso dadyowga muslimka ah. Waa muhiim in la barto diinta haddii aad ahaan lahayd qof weyn ama qof yar, diinta iyo waxbarashadu malahan yar iyo weynaan waa waajib inna wada saaran. Waa in qofka kala yaqaan maxaa kuu banaan? Maxaase lagaa xarimay?

Haddii intaas uyaqaano waxaa xaqiiq ah in dadku wada noqon lahaayeen dad siman oo xaqa uhiiliya, xaqdarada iyo shaydaankana naara oo rajmiya.Waa in aan Alle utoobad keenaa, baranaa diinta islaamka iyo axkaamteeda, waana in aan reebno munkurka iyo fasaadka, waa in aan farnaa dadka wanaaga iyo samaha.

  1. Dhaqancelin: Cidkasta oo lagu arko in ay waddaan faldembiyeedyo waa in dowladu qabato ama shacabku qabtaan geeyaana meelaha lagu dhaqancesho dadka. Waxaa haboon dadka addeegsada mukhaadaraadka, qeybaha balwadda iyo dadka dhaqamada xunxun waa in la geeyaa meel aan intaas laga helayn oo lagu tarabiyeeyaa ilaa inta maskaxda iyo jirka ay ka baxayso daroogada iyo in dadku helaan amni iyo kala dambayn. Si in taas loo helo waa in meesha lagu dhaqancelinaayo loogu diyaarshaa dad wax fahansan leh akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan. Waa in la baraa diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban. Sidoo kalena waa in xirfad loo sameeyaa dadkaas si hadhow haddii la soodaayo ay ugu shaqeystaan intaas haddii la helo waxa meesha ka baxaya mukhaadaraadkaas.
  2. Manjah midaysan: Dowladda waxaa waajib ku ah in ay mideyso waxbarashada sidoo kalena ay tayayso waxbarashada intaas haddii la helo waxaa la helayaa qof aqoon leh oo ka dhisan dhinac walba. Waa in dowladdu ay tagtaa tuulooyinka iyo baadiyaha fogfog si dadka wax loo baro aqoona loogu ababiyo. Waana muhiim haddii dowladdu samayso waxaa yaraanaysa dhibka iyo musiibada nahaysata.

Waa in waxbarashada lagu dabaqaa dalkeena ee aan lagu dabaqin dalkale waayo waddan kasta oo adduunka ka jira waxa uu leeyahay kheyraad ugooniya haddii aan dhahno waddan aan badlahayn manhajkiisa ayaan soo qaadanaynaa, macquul matahay in waxbarashadeenu noqonayso tii la rabay waa maya.Haddaba si taas looga dheeraado waa in manhajka la mideeyo.

Waxaa inoo badbaadaya deegaankeena xaalufka lagu hayo waayo qofka marka uu barto cilmiga deegaanka waxa uu fahmaya waxtarka geedaha iyo guud ahaan deegaanka. Qofka barta badda waxa uu ogyahay manafacaadka badda iyo  waxa ku duugan. Qofka barta beeraha waxa uu ogayahy sida wax loo abuurto loona iibgaysto ama loo cuno. Qofka barta cilmiga macdanta iyo badroolka waxa uu noqonayaa nin leh khibrad aqooneed ee ku wajahan sida loola soo baxo shidaalka iyo macdanta dalkeena ku duugan. Qofka barta cilmiga xanaanada xoolaha waxaan helaynaa sida aan uheli lahayn xoolo badqaba iyo sida looga faa’idaysto xoolaha loona dhaqdo.

Haddii aan intaas ka helno xaqiiq waxa aan noqonaynaa dal isku filan oo leh awood dhaqan dhaqaale iyo mid waxsoosaar.Waxaana ka baxaynaa faqriga nagu habsaday ee muddadii udambaysay ladaala dhacaynay. Waa in aan waxbarashada xoogga saarnaa waa in dalkeena aan wax ubarano waa in ay naga go’antahay sidii aan dalkeena badqabkiisa uga shaqeyn lahayn.

 

W/Q Qoraa Maxamuud Axmed Muuse Tallman

Mahamudp2@gmail.com

COMMENTS
Latest News