caroog.net
Alshabaab Oo Sheegtay In Ay La Wareegtay Gacan Ku Haynta Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Kenyaan Ahi
October 30, 2019 - Written by admin

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Dhajanbuula oo hoos taga degmada Dhoobleey kuna dhow xaduudka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka kadib dagaal mudo kooban socday ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegteen inay deegaanka Dhajanbuula kala wareegeen Ciidamada Dowladda Kenya oo deegaankaas ku sugnaa kana ilaaliya Ammaanka Xaduudka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Warar ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay dagaal kula wareegeen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee deegaankaasi Dhajanbuula,isla markaana mudo saacado ah ay gacanta ku hayeen.

Si kastaba weli lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab,kaas oo ka dhacay deegaanka Dhajanbuula oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

COMMENTS
Latest News