caroog.net
“Anigu Diinta Maan Caayin, Islaam Ayaan Ahay, Sheekh Xasan Diheeye Waa Nin Alshabaab Ah Oo Ku Dagaalamaya Dawladdaasi Dhan Ee Jirta Inuu Af Ku Rido”.
February 6, 2020 - Written by caroog

“Niman Baarlamaanka Ka Tirsan Ayaa Munaasibadda iiga yeedhay, Waan Baxayaa Oo Shaqo Ayaa Isugaysa Ayaan Idhi, Wiilkii Makaroonka Hayay Ayaa Igu Yidhi Bax!!”.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa ka jawaabay eedii uga timid Sheekh Xasan Diheeye Axmed oo ka mid ah culimada Reer Boorama, waxaana uu sheegay inay Sheekha Sharciga  ku kala calaf qaadayaan, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay inuu sheekhaasi ka tirsan yahay Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Waxa hadaladiisii ka mid ahaa“Shalay oo jimce ahayd waxa masaajiddada Boorama qaar ka baxay in la igu yidhi “Diinta ayuu caayay Badhasaabku”, dabadeedna wuxuu yidhi hala “Dilo”, waa Sheekh Xasan Diheeye ayaa sidaas yidhi, waxaan idiin sheegayaa marka ugu horaysa, horta qof Islaam ah ayaan ahay, marka labaadna masuul ayaan ahay, sabab aan diinta ku caayay majirto, xaflad ayaaba la iiga yeedhay oo waa munaasibad, nin Diinta caayana ma ihi, oo Islaam ayaan ahay oo masuul ayaan ahay, Munaasibadaasi la leeyahay Diinta ayuu ku dhex caayay waxaan hayaa raggii Cameradda hayay ee Duubayay,  Cameradda ayaa ii markhaati ah”

Waxa kale ee uu yidhi“Aniga waa la ii yeedhay, niman baarlamaan ah ayaa iitaagnaa, oo ii joogay oo marti ii ahaa, waxaan ku idhi, waar waanu deg deggaynaaye hadalka noo hormariya shaqooyin ayaa nasugayee, waa yahay ayaa lanagu yidhi, hadalkiibaa haddana lanaga hor mariyay, waan kacay, walaahi waxay igu sugayeen Nimanku fiyaaradda, Niman baarlamaan ah oo baxayay oo aniga Saacado ii xanibnaa uunbay ahaayeen. Waxaan ku idhi, haddaba anigu waan soo noqonayaa oo waan iska tagayaa illayn rag ayaa isugayee, inankii Makarafoonka hayay ayaa yidhi, bax!!, wuxuu taagan yahay halka sare ee Mambarka, waar ma aniga ayaad i sheegaysaa  ayaan ku idhi, markaa fiyaaradda laga baxo ayaan inyar u jiraa?, wuxuu igu yidhi, haa adiga ayaanu ku sheegaynaaye,bax bax,  wax fagaare laga sheego may ahayn, inan yar oo igu aflagaadoodu ahaa, waa yahay ayaan ku idhi”.

“Sheekh Xasan Diheeye waa nin Alshabaab ah oo ku dagaalamaya dawladdaasi dhan ee jirta inuu af ku rido, oo uu qabaa’il dadka iskugu diro, Badhasaabkii u horeeyay ee diinbuu caayay yidhi-na ma ihi, nin dhawaan lagu dilay Boorama, oo illaalinayay mashruucii biyo balaadhinta Boorama, oo waliba Askari ah, ninka marka la waayo cidda disha waxa loo qabtaa eheladiisa, waa wax dalka oo dhan ka jirta, waayeelkiisa iyo cuqaashiisa, anagu iyaga ayaanu qabanay, gudi nabadgalyo ahaan, Xasan Diheeye, Alshabaab Qayb ka mid ah oo Boorama joogta weeyi,  masaajido badan ayaa laga eryay kadib markii uu aflagaado iyo cay ka shubay,  guryihii agoomaha la siiyay ayuu reerkiisii kujiraa, anigu dawlad ayaan Boorama u joogaa, oo i keensatay, oo aan badhasaab u ahay, haddii uu cadayn waayo hadalkaasi talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”.

COMMENTS
Latest News