caroog.net
Cali Khaliif Galaydh Oo Muuse Biixi Ku Dhaliilay Inuu Bulshada Ka Qariyay Ujeedada Dhabta Ah Ee Safarkii Dalka Ginni, Ganafkana Ku Dhuftay Ictiraaf Laga Raadiyo Dalkaasi.
July 8, 2019 - Written by admin

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa ka hadlay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay dalka Gini.

Prof. Galeydh ayaa shaaciyey arrin uu ku sheegay in bulshada reer Somaliland laga qariyey isla markaana looga been sheegay, taasi oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Biixi uu ku tagay caasimada dalka Gini.

Galeydh ayaa sheegay inaanay jirin wax heshiis ah oo dowladda Gini u saxiixday Madaxda Somaliland ee booqashada ku tagay, oo ay ku ictiraafeyso dowladda Somaliland.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in dib loo furo Wada-hadalada fashilmay ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona xusey in la diidan yahay in wada-hadaladaasi dib u furmaan.

Prof. Cali Khaliif Galeyr oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Heshiis ay Gini ku soo saxiixayso ma jirto, ictiraaf ay ku saxiixaysana ma jiro, war dadka yaan la madalufine, inagoo miyir qabna oo aan is yeel-yeeleyn aan wada-hadalno, wada-hadalna lama ogolo”.

COMMENTS
Latest News