caroog.net
Ciidamada Booliiska Soomaaliland Oo Xidhay Nin Ku Labistay Dhar Leh Midabka Calanka Soomaaliya
May 14, 2019 - Written by admin

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa Maanta Magalada Hargeysa waxa ay ku xidheen Wiil Dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar laga tolay dharka Buluuga ah ee Midabka Calanka Soomaaliya.

Wiilka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar”  ayaa xidhnaa Surwaal iyo Jaakad leh midabka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya,waxaana ka hor xadhigiisa uu hanjabaad iyo qeylo kala kulmay qaar ka mid ah Shacabka Magalada Hargeysa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa Wiilkaasi Dhalinyarada ah xiray,isla markaana u dhaadhiciyay Xabsiga Magalada Hargeysa,waxaana u jeedada kaliya ee loo xiray ay tahay qaadashada dharka leh midabka Calanka Soomaaliya.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, smiling

Soomaaliland ayaa aaminsan inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale,waxaana deegaanada Maamulkaas lagu xiraa dadka loo arko inay taageerayaan Dowladda soomaaliya,haba ugu badnaadaan kuwa ka taga Magalada Muqdisho oo markii hore ka yimid Soomaaliland.

COMMENTS
Latest News