caroog.net
Daawo Layaabka Wasiir Saleebaan Cali Koore “Anigu Somaliland Markii Horena Kuma Qanacsanayn,Haddana Kuma Qanacsani, Imikana Waan Kasoo Horjeedaa, Tashi Buuxa..”.
May 13, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Waa baraha bulshada iyo Mareegaha Wararka lagu baahiyay Muuqaal hore looga qabtay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore kaasi oo laga qabtay wakhtiyadii Xukuumaddii Siilaanyo wadanka ka talinaysay.

Saleebaan ayaa waxa uu wakhtigaasi si cad u sheegay inaanu ku qanacsanayn Somaliland oo aanu aaminsanayn, waxaana uu Wakhtigaasi ku hanjabay in deegaanka uu ka soo jeedaa ay tashi ka yeelnayso masayrkeeda islamarkaana wixii ay go’aamiyaan ay siyaasiyiinta uu isag ka midka yahay ay hogaansami doonaan.

Muuqaalkan ayaa waxa soo nooleeyay kadib markii uu isaga laftiisu weerar ku qaaday Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland oo ay deegaan kasoo wada jeedaan, oo Xuska 18-May ku sheegay mid aan taariikh ahaan wada khusayn beelaha Somaliland balse ay beesha dhexe ee Isaaq ay badhoodhahooda tahay, kaasi oo arintaasi Wali xabsiga ugu jira.

Halkan ka Daawo Muuqaalka.

COMMENTS
Latest News