caroog.net
Daawo “Muuse Biixi Cuna-Qabatayn Ma Saari Karo G/Sanaag, Waxaan Farayaa Hay’addaha Uu Beenta U Sheegayo Inaanay Dhagaysan, Shabaabna Ma Joogto Dhahar”. M/Xigeenka Puntland.
June 6, 2019 - Written by admin

Garowe(Caroog.net) – Maamulka Garowe ayaa sheegay in Somaliland qoraal u dirtay hay’daha caalamiga ah oo ay ku wargelisay in aysan ka hawl geli Karin bariga gobolka Sanaag oo ay sheegtay in malayshiya-beeleed hubaysan iyo Al-shabaab joogaan ayaa waxa arrintaasi beeniyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Mr Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah ku amray in ay ka hawlgalaan degaannada gobolka Sanaag oo uu sheegay in aysan wax dhibaato ah ka jirin, balse muu soo bandhigin Dokomintiga dhabta ah ee ay Somaliland u gudbisay Caalamka.

Halkan hoose ka daawo

 

COMMENTS
Latest News