caroog.net
Daawo Waraysigii Ay BBC-Du Ka Qaaday Kornayl Caare Ee Xukuumadda Soomaaliland Ka Gubatay Iyo Dacwad La Sheegay Inay Arintan U Gudbinayaan Madaxda BBC-Da.
July 29, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka dhagaysiga Waraysigii uu Wariyaha Idaacadda BBC-da u jooga Maamulka Puntland Axmed Cawil Jamac uu ka qaaday Kornayl Caare maalinimadii Doraad oo uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland Buuralayda Bariga Gobolka Sanaag.

Wararka ay helayso Shabakadda Caroog ayaa sheegaya in Xukuumadda Muuse Biixi aad uga gubatay waraysigan una aragtay buun buunin, waxaana la sheegay inay qorshaynayso in Dacwad si hoose ay arintan uga gudbiso Madaxda qaybta afka Soomaaliga ku hadasha ee BBC-da si talaabo looga qaado Wariye Cawil.

 

COMMENTS
Latest News