caroog.net
Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Mar Kale Ka Dhex Qarxo Puntland Iyo Somaliland Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Ay Labada Dhinac Ku Soo Daabulayaan Deegaamada Ku Teedsan Degmadda Badhan.
June 6, 2019 - Written by admin

“Arintan Ayaa Ka Dambeysay Kadib Markii Somaliland Ay  Ciidamo Aad  U Fara Badan  Geysay Deegaanka  Yubbe Oo U Dhow  Magaalada Ceerigaabo, Iyadoona Halkaasi Ay Saldhig Military Ka Sameysteen.

Badhan(Caroog.net) – Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in  Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland laga dareemayo Gobalkaasi.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay  ciidamo aad  u fara badan  geysay Deegaanka  Yubbe oo u dhow  magaalada Ceerigaabo, iyadoona halkaasi ay saldhig military ka sameysteen.

Sidoo kale Maalin ka hor ayay aheyd markii  Maamulka Puntland ay ciidamo hor leh u dirtay degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga Gobolka Sanaag.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland iyo Somaliland ay ku wajahan yihiin Deegaanka Hadaaftimo oo aan wakhtigan midkoodna joogin waxaana laga cabsi qabaa in dagaal halkaasi uu ka dhaco.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay bilaabeen in ay ka barakacaan deegaano hor leh oo ka tirsan Bariga Gobalka Sanaag kuwaasi oo ka cabsi qaba in la isku dul qabsado.

 

COMMENTS
Latest News