caroog.net
“DAMALKII NABADDA” Sooyaalkii Dahabigga Ahaa Ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf Cabdiwaraabe.
May 10, 2020 - Written by caroog

Xaaji Cabdikariim  Xuseen Yuusuf  oo dadku u garan ogaa cabdi  Waraabe , AHUN  waxa uu ahaa  Samo talis, haldoorka, sumadda nabadda, chief caaqil iyo xildhibaankii ugu da’da waynaa golaha guurtidda Somaliland.

                                                                                                            Inkastoo oo aan jirin wakhti sax ah oo laysku raacsan yahay oo sheegaya dhalashada xilligii xaajigu dhashay. Haddana sidduu Xaajigu u sheegay qolo warfidiyeen ah oo ka socday BBC  Xaajigu  waxa uu u sheegay 1898  inuu ku dhashay meesha la yidhaa laagta jeexan ee  Uubaale ka danbaysa  Madaarka Magaalada  Hargeysa , sannadkaa xaajigu dhashay oo loo magic bixiyay  “Caann-Wayne   waxa uu ahaa sannad barwaaqo ah oo caanka ahaa  dadkii raacatada ahaa.  Sidoo kale waxa la sheegaa in Xaajigu dhashay 1905 tani waxay caddaynaysaa  maqnaashaha madxaf(museum)   ama  qorid  la,aanta  taariikhada ummadda in mugdi gelinayso taariikh fara badan  oo ummadda  leedahay.

Xaajigu(AHUN)  waxa uu la dhashay 14 carruur ah oo badi yaraan ku xijaabtay marka laga reebo Nuur Xuseen iyo Faadumo Xuseen,  xaajiga aabihii Xuseen Yuusuf waxa uu caaqil ku abtir sada qoyska mid ka mid ah sandaladaha ugu  faca weyn dhulka somalida guud ahaan, xaajiga hooyadii waxa la odhan jiray Qaayiba Faarax Shabeel oo yana waxay dhimatay 1971 waxay jirtay 106 sanno. Qoyska Xaajigu waxay ahaayeen xoolo raacato ku noolayd dhulka hawdka oo badi noloshii bilawga Xaajigu waxa uu ku soo barbaaray miyiga oo waxa uu ahaa geel jiranimo, xaajigu waxa uu ku koray nolol agoonimo ah oo waxa gacan qabtay adeerradii Cilmi Yuusuf iyo Fadal Yuusuf sidoo kale waxa xaajiga gacan qabtay adeerkii Inaadeer Cabdi Cawad.

Aabbihii Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa hanad lagu hirto oo beeshiisu ka maagi jirtay haddu ka maqan yahay dagaaladii iyo dhicii geela oo waayadaa ahayd degaannada wax ka jiray. Xaajiga waxa aabihii la dilay isaga oo jiray 37 habeen waxaana lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay agaagarka Dooxa Hargeysa.

Xaajiiga da da’diiisu markii ay  jirtay 25 sanno ayuuuu dhoofay dibadda  oo wax uu ka mid noqday askartii Talyaaniga ahayd ee ku duushay caasimadda Itoobiya.

Markii uu Xaajigu ku sinnaa 40 jir waxa loo cumaamaday inuu noqdo caaqlika beeshooda ka dib geeridii walaalkii Nuur Xuseen , markii la arkay samo talisnimadiisi iyo hoggaamintiisi nabadda. Xaajiga waxa uu ahaa qof caqliga iyo garaadka samotalisnimo lagu bartay isaga oo gabano ah, talooyinkii tudhaalaha ahaa ee nabada ee uu la fadhiyay ardaayaada reeraha ayaa demiyay xasaradi iyo dhiillo colaado sokeeyo oo warmaha laysku  afaystay.

Xaajigu<AHUN> intii uu ahaa oday dhaqameedka  waxa uu la soo shaqeeyay dawladiihi soo maray dhulka Soomaalida. Odahaahdii caan baxday ee Xaajiga  ayaa ahayd   “dawlad walba anigu  la saaxiib baan ahay”  Noloshii Xaajigaa oo jirtay qarni iyo  rubuc ku dhawaad yana waxay hayd mucjiso ku xeernayd nolosha Xaajiga.

QISADDII DILKII AABIHII.

Xaaji Cabdi(AHUN)  ayaa isaga iyo afar nin goob shiraaoo loo dhamaa lagu balamiyay in loo aaro aabihii Xuseen,  dabadeed halkii  ayay ka  dhaqaaqeen, oo xaajiga qoriga ayay xabadu  ugu jirtay oo  waxa uu ahaa ninka gacanta leh, afarta kale waxay ahaayeen garbo,waxay gaadheen reerihii ay aabbahii ugu aarayeen goor casar ah, ninkii ay ugu aarayeen aabbihii wuxu Xaajigu ku Sheegay Cismaan Guleed  Maxamed oo  ahaa ninkii looga samri lahaa aabihii raggii la socday xaajiga waxaa   ka mid ahaa rag uu xaajigu ku sheegay Ina Cabdi  Cilmi iyo Ina Cabdillaahi Mire.

Markii ay isku sheegeen ayuu gartay waanu fadhiisiyay waxaanu ku yidhi “awoowe maxaa aad doonaysaan?”.  Xaajigu waxa uu ku afceliyay “Guurdoon baan nahay”. Halkaas buu wan ugu loogay dabna u shiday oo darmadii u dhigay intii neefkii loo loogay aan loo keenin ayuu roob soo hooray, aqal wayn oo laba daryaalen ah  ayuu roobkii ka galiyay, saddexdii nin hargawaalli oo ahayd saan wayn oo laysku tolay ayuu dusha ka saaray. Xaajigana masala cusubaa oo uu lahaa ayuu dusha ka saaray oo waxa uu ku yidhi yaana maryuhu idin ka  qoyin, markuu roobku da’ayay ayaa  baraaggo ma jirin  xoolihii loo sii daayay dumarkiina Haamaha la hoos yaaceen , ayaa Xaajigii lagu yidhi “waa markii aynu ku dhufan lahayn oo waa dagan yahay”. Xaajigu waxa uu ku af celiyay oo ku yidhi < war ma ninka daroorin inoo quudhi waayay ayaan xabad u quudhnaa hadaan ku dhufto xabbadda aabbe  se ma helayaa, ninkaas baan  aabbe  ka dhiganayaa” . Rasaastii buu qoriga ka saaray oo ninkii ugu weynaa ayaa ku yidhi “Sidaas baan kaafi laayay nacasnimadaada” Mid kala yidhi “isagaa inanka yar ayaa inaga  saxsan oo kuwa inna soo diray rag  ma ahayn”. Xaajigu wuxuu yidhi  “Geeli baanu la waraabinnay oo la xeraynnay, fadhigii baanu ku noqonay oo neefkii na noo loogaybaa  na loo keenay. Markii waagii baryay ayaanu u yeedhnay oo ku nidhi  awoowe adiga ayaa an kuu soconnay, waxaanu rabnay in aan ku dilno. Markii aad darroortii noo quudhi wayday, imikana waxaan isku rogay inaad inan/gabadh i siiso oo aad aabbe  ii noqoto.

Ninkii wuu argagaxay oo yaabay madaxa ayuu ii sii salaaxay oo i dhunkaday oo  inantiina halkaas buu inantiina igu siiyay”. Xaajiga ayaa ku yidhi “Qoriga iga qabo”. Ninkii baa ku yidhi “Qoriga Xuseen kaa qaban maayo, inantana adoo dhinta mooye ama fasax mooye ninkale siin maayo. Beeshana sidaa ku wargeli”. Inantii xaajiga waxay kala maqnaayeen 17 gu ama sanno  waxaana la odhan jiray Faadumo Cismaan Guuled oo waxay u dhashay 14 carruur ah.

 

Sidii uu ku baxay magaca Waraabe :

Xaajigu sidduu meelo kala duwan ku sheegay waxa uu magaca Waraabe  ku baxay isaga oo geel jire ah  oo geel la jooga ayaa  geellisii laga dhacay, dabadeed waa uu ka hadhi waayay oo raggii ka soo dhiciyay. Markii raggii ka yaaceen ayay yidhaahdeen “Waar kani waa Waraabe  inaga marsha”.  Waa sida uu ku baxay magaca ilaa haddda ina soo gaadhay ee Waraabe .

Xaajiga iyo maalimihii guurtida:

Xaaji cabdi waxa uu ka mid ahaa asaaskii ama raggii kowsaday bilawgii guurtida 1988 ee deegaanka cadaroosh ee koonfurta Hargeysa. Xilliyadaa waxay ahayd maalmihii ay socotay barakicii ugu badnaa  ee dhulka magaalooyinka. Odayaashii hawsha  waday maalmahaas waxa hogaaminyay Sh Ibraahin Sh Yuusuf Sh Madar, Sh Axmed Sh Nuux Fure iyo Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf odayaashii waxay mareen dhul badan oo dadkii ka baxay dhulka magaalooyinka ay daad sanaayeen ilaa Gaashaamo, Daroor, Ramaso  Abokor iyo Dulcad waxaana  casuumadda bixinayay dadka deegaanka Cadaroosh. Shirkii waxa uu ka furmay barxadda degaankaas oo waliba maalmahaas waxa ku wehelinayay markay arkaan diyaaradaha waxay  u yaaci jreen xagga kaynta oo ay gabaad ka dhigan jireen waxaana halkaas lagu unkay 56 xubnood oo guurti ahayd.

U jeeddooyinkii loo aasaasay guurtida waxay ahayd  inay wado talada dadkii soo barakacay oo meelo kala duwan ku filiqsanaa iyo inay meesha ka saarto khilaaf  markaas  jiray oo ka dhex jiray laamaha SNM. Waxtarkii iyo shaqooyinkii ugu waynaa ee guurtida  ayaa bilaabmay  gudagalkii waddanka oo ay ka bilaabbe en islaaxintii ummadda oo door wayn oo muuqdana uuXxaajigu ku lahaa, waxay markii koowaadba  ka bilaabeen Boorama, dabadeedula kaceen xagaa iyo Berbera iyo Burco.

Waxa uu xaajigu qudbado noqday dhaxal  ka jeediyay shirarkii nabadaynta ahaa ee Burco iyo kuwii la mid ka ahaa oo haddi ila is yidhaahdo ha la derso noqonkara xiisado la dhigto bilo iyo sannado. Wuxuunbaa la xasuustaa in Xaaji Cabdi uu naftiisa iyo tii qoyskiisa uga mudh baxay ta caamka ah iyo inuu ummadda isu lab xaadho. Wuxuuna maalmahaas qadhaadh ku waayay ilmihii curad, iyana waxay ku  ahayd  nabar xanuun badanaa oo uu  tii qoys nimo ka horraysiiyay tii caamka ahayd tusaale cad oo halbeegna  u noqonaysa hoggaamintiisi nabadad.

Wax yaabihii u gaarka u ahaa ee mucjisada Xaajiga waxaa ka midaa ahaa in joogistiisa ama muuqashadiisa ay damin jirtay ama xal u hayd xasarado siyaasiga waxa aad loogu xasuustaa dhacdooyinkii doorashooyinkii 2003da oo Xaajiga iyo shir guddoonkii guurtidu si qurux lahayd u furdaamiyeen. Sidoo kale Xaajiga waa looga maarmi waayay inuu ka muuqdo madalo lagu shaacinaayay natiijooyinkii  doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland ee 2010ka iyo 2017ka.

Aaskii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

10kii Mey 2019  oo ahayd  maalin Rabadaana oo Jimca ah ayaa waxa Hargeysa ka dayaamay dhawaaqa dhiillada lahaa  ee sheegayay inuu Geeryooday Damalkii Nabadda, Samo Taliyiihii Ugu Weynaa Ee Reer Somaliland, Aabihii Nabadda Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ). Dhawaaqan dhiillada lahaa oo mar qudha beddelay  Soomaalidii samaha jeclayd  iyo dadka  reer  Somaliland, waxa la arkayay ubadka raad baradka ahaa ayaa ku hadaaqayay <Somaliland baa dhimatay>

Xabaasha Xaajiga oo laga  diyaariyay tuulada TOON ee duleedka koonfureed ee Hargeysa, halkaasbaa si heer goboleed ama mid heer qoomiyadeed loogu duugay, dadyow kala duwan ayaa geerida uga soo safray meelo kala durug san oo dunida iyo guud ahaan dhulka Soomaalida.

Aaskaa waxaka qayb Galay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,Madaxwaynihii hore Siilaanyo iyo haldoor guud ahaan somalida oo yana halkaas ka soo muuqday

Hargeysa maalintaas iyo maalmihii ka danbeeyay waxaa soo gaadhay waraaqaha iyo  fariimaha tacsidaa oo ka imanayay dunida. waxa  saacado gudahood isbedelay guud ahaan muqaaladda iyo sawradda ay baahinayeen warbaahinta Soomaalida oo dhan iyo baraha bulshada oo ay qab satay tacsida Xaajiga. Waxa ay faaqidayeen waxtarkii nololeed ee uu ka gaysatay nabadda iyo wada noolaanshaha. Culimada diinta ayaa mimbarka fuulay oo halkaa ugu duceeyay xaajiga, waxa yana suugaan laydu iyo maanso yahandu oo yana maalmahaas  Hargeysa soo gaadhsinayay tixo fara badan oo baroor diiqda Damalkii  Nabadda, qalin layda oo yana baahinaayay nuqulo iyo qoraalo dhaadheer oo ku saabsan waxtarkii nololeed   ee Xaajiga.

Intii aan noolaa ama aan wax ka soo gaadhay noloshii Soomaalida  sheeko igama soo gaadhin shaahidna wali uma ahayn baroordiiq iyo Aas loo sameyay  qof  Soomaali  oo Xaajiga oo kala ah.

Waxaan yana xasuustaa isla saacaddaha la soo tabiyay geerida damalka nabadda waxa beddelmay jawiga Hargeysa oo marqudha mid roobban noqday   oo waxa is qabtay daruuro oo waxaa  bilaabmay roob dhibic yaraa ahaa.

Frariimihii la siday ee tacsida ahaa ee  Xabaasha la keenay waxa ugu mudnaa fariin u soo Diray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Germany joogay,  Fariinta Madaxweynha Dalka Jabuuti iyo farriinta Madaxwaynaha Degaanka SoomaaliddaMustafe Cumar.

Maansooyinkii Baroor Diiqda  ahaa  Ee Geeridii Damalkii  Nabadda wax aka mid ahaa maansadii Cabdilahi XasanGaney, oo qayb ahaan odhnaysa:

Qof muu gu ine Laabsaalaxow qaran dhanbaa  guuray,

Hiddaa goostay, dhaqanbaa galbaday,garashaa  liicday,

Hanbaa gaabtay,hanadbaa galbaday, gudashaa  hoogtay

Geesi geesi dhaafa ka tagay gayga Soomaali.

 

Cali Ahmed Raabbi (Cali Seenyo)

Maansadii baroor diiqda ahayd qayb ahaan waxaa ka mid ahaa:

Asxaabtiyo khilaaf soo dhex galay dawladii  idinka

Ama beelo aar iyo dil aano hibanaayo

maaraynta anafada siduu  ugu itaalayay

uu udub dhaxaadka a ahaa tiirka lagu eerto

Abbrtiisu meeshaay ahayd eegga yaa galaayay?

 

Xasan Dhuxul Laabsaalax

Dhawaaqu  xumaa dhagahu maqlayaan

Warkiyo dhacdadiyo  dhiiladdu  culusaa

Dhalan  iskaa daa ilmadu  ku dhacdee

Haday dhagaxdiyo  dhulkuba  hadalyaan

Cod dheer iyo baaq dhambaal tacsiyay .

Dhirtu murugadda ka dhiiban lahayd

Tiirkaa dhacaan ummadda dheerayn.

Qalinkii: Axmed Aadan Jaamac

<Axmed Barbaarta Hargeysa >

Uruurinta:

Codka Adeegga Bulshada

 

 

Xigasho: Buugga Samo Talis

Dr Maxamed Rashiid Sh Xasan

COMMENTS
Latest News