caroog.net
Dayawga Siyaasadeed Iyo Shindhaafka Siyaasiyiinta. W.Q. Axmed Cali Kaahin
July 4, 2019 - Written by admin

Koritaanka hab dhaqanka siyaasigoo, qaan gaadh, iyo jarabax ku dhaw, bisaylna qarka
ua saaranahay. Waxa kacay mawjado siyaasadeed, oo duugay nalkii, iyo ilayskii soo
ifayay, xaalada xisbiyadana dadku, isku dhex fadhiyeen, sida ubax kala midaba oo
barwaaqa jooga, lana lamaantahay, niyad samaan, ixtiraam, iyo isku quudhid nololeed
oo gobanimo iyo guurtiyayn sal u tahay.
Dhaqanka bulshadu waa salka dhamaan xeerarka, aadamuhu hindisay ee casrigan
aynu noolnahay, barigii waddanka la yaqleelayay waxa xoog badnaa guurtiyaynta
nidaamkaasi, oo la mahadiyay, dad xirfad yaqaano dhaqan yahaynina hormood iyo
hogaan u ahaayeen. guulo badan oo la majiirto maanta bud dhig u ahaayeen,
caqabado adagna lagaga soo doogay.
Sida Somalidu ka maahmaaday, waxa dhacda mararka qaar kudka guur oo qanjo u
guur, waa markii habkaa hawsha yaree, ee dadka wax xidha waxna guntaa, guntiga
talada ku hayeen, si hogaamin, daacadnimo, iyo xilkasnimo leh. in nidaamkaasi dhan
ee dhaqan siyaasadeed ee bulsho, si hawl yar loogu luqun laabo, mid xataa fahamkiisa
dadka aqoonyahanku wali inoo sharixi kari.
Taasi waa Dimuqraadiyada. iyaduna waa dad dhaqankoodii, iyo sanab dadkaku
sanduleeyaan, balse waxay waafajiyeen noloshoodii, aqoona ku jarabixiyay, balse
aadamuhu wax badan buu waddagaa, in Guurtiyaynteena tijaabino oo wixii inaga
dhimana bawsanaa waa gar, waxaase gardaro ah, in dhamaan meerta nololeedkeenii
boqolaal sanadood soo taxnayd, si dhibyar u xoorno, waa doqoniimo halkii u
hoosaysay, kabo, aan inoo galayna isku jufno.
Aas aasankii xisbiyada waxa soo iftiimayay, kala duwanaansho, afkaareed iyo mid
siyaasadeed, iyo kala duwanaanta ciwaanada isireed ee siyaasiyiinta, taasna sawir
fiican waxa ka bixinaya, dhismihii xisbiyadii wakhtigaa la yaqleelay xisbiyada, Bilawgii
qarnigan. Doorashadii ugu horaysay, qaabkii la isku riixayay, oo ku dhisnaa inta badan
is kooxaysi aragtiyeed, iyo mid dano siyaasadeed, oo dhanka isfahamka fikirku
hogaaminayay, janjeedhka xisbiyaduna waxoogaa kasii fogaanayay qabiilaysiga.
Balse mar kaliya siyaasadii xisbiyadu waxay afka saartay jiho kale, oo aan la mahadin,
siyaasad kastana jaangoysa.qaab ciyaareedkan bilawday, waxa la istaadhmay, tartano
qaawan, oo qumanaantii bulshada, si aayar, aayar ah u badalay afkaartoodii.
abuurayna saar iyo xamaasad qabiilaysi ah. noqotayna badeecad macaash iyo xoogsi
ay ka raadiyaan, afku xooglayaasha siyaasadeed. Oo durbaanda iyo kamanka
qabiilkana si fiican u garaaca bulshada taagta daran, si looga dhigto salaan lagu
gaadho himilooyin siyaasadeed kadibna la iskta tuuro.
Doorashadii u horaysay ee madaxwayne la doorto, waxay ahayd mid dadku qaan
gaadh ka yihiin jibo qabiilaysiga, tii ku xigtay, jibadaa cusbayd, oo dadka inyar baa

indhahoodu wax arkayeen, tii ka dambaysay, dadku way wada jibaysnaayeen,
mucaarad iyo muxaafidba. Waxaana meesha ka baxday dantii umada, gobanimadii.
kalsoonidiina dhaawac halisaa gaadhay, taasi oo ay abuureen kooxaha siyaasada ku
qawlaysta iyo qaar cumaamadaha kamida.
Dhacdooyinkaasi oo keenay, in wax lagu rido saar qabiil, wax lagu doorto jibo
qabiil, loo aa’yo dhaxal qabiilaysi, xisbigii loo badalo qabiilaysi iyo mid af
hayeenkiisu noqdaan cumaamado.
Maanta habb nololeedkeena dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed waxa jaan gooya, danta
reeraha waxaana qaadh looga dhigay iska difaaca reeraha kale. Dhaxalkii iyo canihii
laga dhamayna, waa taa bulshadeenii wali la tiicayso, jibadiina maalin kastaba cutubyo
cusubi inoo bilaabmayaan, jugtii inaga soo gaadhayna wali laga soo miiraabi laayahay.
waa halkii Gaariye AHN Jugtu waa waxaan la hagaasay.
Maadaama noloshii siyaasadeed sidaasi noqtay, fartana daddka qaar ku fiiqayo
dimuqraadiyada iyo qaabka loo adeegsaday., dimuqraadiyadii dhashay qabiilkii oo aan
biyo is marine, arrinkiina noqday. waar yaa harageedii inaga celiya, maadaama
nidamaakeenii hore, ee Guurtiyaynta, odayaynta ahaa u baah naa oo kaliya in la
cilmiyeeyo, ileen isagaa dhaqankeena iyo diinteena waafaqsanaaye, oo ka hawl iyo
kharash yaraa, in dib boodhka uga jafano, isagoo la cilmiyeeyo, dimuqraadiyadu
samada ileen kamay soo dhicine, rag baa u kacoo, sanka inaga galiyay wixii waayo
aragnimo ah kala baxno, ee diinteena iyo dhaqankeena taabanayn.
In qaabkeenaa Guurtiyaynta aynu cilmiyayno noloshana waafajino, si looga badbaado
khatarta ina dul hoganaysa doorasho kasta, iyo kharashka, naxliga, hawsha, iyo
isriixuna meesha uga baxo, si bulshaduna uga bogsato dhiilada doorasho kasta dul
hogaynasa.
Haddaba waa in lala yimaadaa qaab siyaasadeed qabiilka la jaan qaadi karta,
maadaama hada qabyaaladii oo niqaaban ay siyaasiyiintu isticmaalayaan, iyadoo
magacyo xisbi loo bixiyay, noqotaynayna riwaayad bulshada ku dabo dheeraatay.
Haddaba su’aashu waa sideen qabiilka iyo siyaasada isku waafajin karnaa
garoonkeeda? ileen garoomadii kale waynagaa iskala soo galg. Waa in qaab
siyaasadeedka loo xawilaa siyaasad qabyaaladaysan oo casriya, waxan kalee aynu
isku walaaqanay maaha mid sii socon kara mustaqbalka dhaw, waana bamboo aynu
maalin kastaa sii cabaynayno,
Muskhilada ugu wayn ee ina haystaa, waa in sida indhoolaha maalin kasta aynu
gabano, marka wax inagu dhacaan, maalina may dhicin in mushkiladaha ina haysta
mid kliya inta miis la saaro, indho iyo caqli caafimaad qaba lagu gorfeeyo, gorfayn
caafimaad qabta oo mustaqablka loo aayo, hadda waa in la daraasadeeyaa sidaynu
isku waafajin karnaa labadan nidaam. ee aanay suurto gal ahayn in aan kala fogaynaa,
waa qabyaalada iyo qaabka nolosha loo maamulayo, waa siyaasadee?

Mise sida Swizerland baan kaltan galinaa hogaaminta, marba gobol, taasi oo macnihii
iyo tartankii ka saartay, gobolkastaana horumarkiisa uun ka shaqeeyo, oo kolba reer
aan u dhiibno inaguna ku kaltano ileen sawirkeenu waa sidaasi uune, oo waa nooc
hagbad hogaamineed ah baan ku jirnaa oo ay halku dhig u tahay waa
doorkayagii. Bahasha aan hagbadaynta sharciyayno, maxaan isla daalinaynaa.
Waa dood la sheegi karo haddii dhanba loo dhaqaaqi waayo.
Haddii kale caqligu ha shaqeeyo, oo xerada halagu soo noqdo, oo siyaasiyiinteena aan
dib u dadayno, ama bulshadu ha ka xorowdo harawsigooda, saaxadana dad cusubi ha
ku soo boodaan, boodid badbaadin umadeeda. iyagoo samayn kara kacdoon
siyaasadee, oo jiho badal silmiya ah. Sida dunida meelo badanka dhacday. Wakhti
fiicana waynu siinay dimuqraadiyada iyo siyaasiyiinta labadaba. Waa in qaaciidada,
shookaanta,iyo jihadaba laga doodaa.
Xaalkeenuna waxa uu sii ahaan doonaa, Ibaxnimo, arag daraysoo daadihi layidhi
qabyalad. hal ku dhig u dhaw erayadii Gaariye AHN. Haddii kale xerada xornimada iyo
ilbaxnimada halgu soo noqdo. Oo siyaasiyiinta dib ha loo dadeeyo ama halaga xoroobo
oo dad cusubi, masalaha ha ku soo boodaan, kacdoon silmiya, sida dunida meelo
badan ka dhacday hore iyo haatan. Oo siyaasadan laga baqadsiiyay, hasoo galaan
xisbiyada, ama marka la furo qaar dhalintu leeyihiin aas aastaan, shariciga iyo
heshiiska umada ayaa waxkasta iyo qofkasta ka wayn, Somalilandna waxay ku taagan
tahay heshiis ummadeed mudo ka badan 28 sanadoo, waxa kaliyee loo baahan yahay
waa horumarinta qaabka hogaaminta iyo hogaamiyaasha.
In uu qaangaadho qaab siyaasadeedka, qadiimiga ahi, waa mid umadu ka quusatay,
qaabkan faqiirnimo hogaamineed ee dunida seddexaad daashaday, kana soomiyay
nolol sharaf iyo barwaaqo leh, oo waddamo tiroyari, ka jeel baxeen rafaadkaasi ku
habsaday ummado badan oo dunidaa saddexaada. Dawadana cid kastaa way
taqaanaa waana hogaamin suuban, ahayna Ruqe ninkii lahaa dabada hayo.
Dad badan baa qaba in xalka ugu dhaw yahay jiilka cusub ee hadda waxbartay, oo tiro
ahaan badan, ku waas oo han siyaasadeed la yimaada kana baydha raadkiil agu
hungoobay ilaa qarnigii tagay. Iyadoo dhalin la tijaabiyay qaar badan beerdareeyeen
xilkii oo iyana walwal abuuraysa, balse haddana waa fursada kaliyee banaan.
Umad kasta cid baa u kacda, marka xaalado noocan oo kala ahi umadda ragaadiyaan,
waxayna ka dhacday meelo badan, taariikhda dhaw iyo mid horeba, umadiina ku
badhaadhay. Bulshadu waa saddex qaybood qayb la hogaamiyo oo lagu qiyaaso ilaa
60%, iyo 20% xaga xun wax u hogaamiya. 20% xaga toosan umada u hogaamiya,
sidaa daraadeed umad kasta waxa isku haysta labadaa kooxood ee dambe, kolba kii
xoog bataa uunbaa hogaanka qabta.
Haddii kooxda hogaan xumayaashu xaga sare soo maraan, waxa dhaca, waxa Africa
badankeeda iyo dunida saddexaad ku dhacay, haddii kooxda labaad ee hogaan
samayaashu, dul maraan kuwa hogaaminta hoojiya, waa guusha umada, waana halka
saacada kafadeedu ka laba kaclayso. In ay jaanis helaan kooxdaa wanaag

samayaashu, inta abdan ma dhacdo, caqabado badanina way horyaalaan, kaliya waxa
u banaan, in ay qaab siyaasiya u dhacsadaan booskooda, kana dhacsadaan kuwa ku
adeegta siyaasada danlaynimada. ah ee ilaa lixdankii qoorta kaga jiifay. gabo gabadii
haddii aan xaalku sidan ka badalmin waxaan waajihi karnaa mustaqbalka daruuro
sayaasadeed, oo dihin oo madaw badani oo cabsiyeedna keeni karta. Gaar ahaan
marka doorasho la galaba iyadoo ay barbar taalo, maalin kasta waxa siyaasada soo
galaya, dad aan xilkas ahayni, oo waxa bulsahda ka dhexeeya ka wayn yahay, hebelaa
isku duur xulay, waa halkii Gaariyee, AHN. waxa uu yidhi anoo aabay la yaaban buu
aabahayna aabihii keenay,
Qalinkii Axmed Cali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com

COMMENTS
Latest News