caroog.net
Deg Deg: Akhri “Gudoomiye Cirro Waxa Uu Ku Raacsan Yahay Xildhibaan Dhakool Inay 18-May Tahay Maalin Madaw”. Madaxtooyada Somaliand.
May 15, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Madaxtooyada Somaliland ayaad hadda u jawaabtay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo shalay ka hadlay xadhiga mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland kaasi oo uu ku sheegay xadhigiisa mid xaaraan ah.

Afhayeeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame oo goordhawayd Warbaahinta ka hor akhriyay Warqad uu u soo dhiibay Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Xildhibaan Dhakool ku kacay falal amniga iyo Qaranimadda Somaliland wax lagu yeelayo islamarkaana ay arintiisu hortaalo Maxkamaddaha dalka, waxa uu warbaahinta ka hor akhriyay qodobo sharci oo uu sheegay inuu ku eedaysan yahay Xildhibaan Dhakool.

Waxa kale oo uu hadalkii Gudoomiye cirro ee Shalay ku tilmaamay inuu taageeray hadalkii Dhakool ee ahaa inay Maalinta 18-May tahay maalin u madaw beelo Somaliland ka tirsan.

“Waxaan Shacbiga reer Somaliland u sheegayaa gafkaasi cad ee uu Qaranka  Somaliland laga galay ee Gudoomiye Cirro uu dooda ka keenay, sharcidaraddana ku tilmaamay saw macnaheedu maaha inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo in 18-May ay tahay Maalin madaw”.

 

Warkan oo dhamaystiran goordhaw filo.

COMMENTS
Latest News