caroog.net
Deg Deg: Akhri Wararkii Ugu Dambeeyay Maleeshiyo Xalay Weerar Gaadhmo Ah Ku Qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Fadhiisinka Ku Leh Tukaraq Iyo Khasaare Lasoo Sheegayo.
June 12, 2019 - Written by admin

Tukaraq(Caroog.net) – Ciidan Maleeshiyo beeleed ah ayaa Xalay Saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday unug ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh Deegaanka Tukaraq ee Bariga Gobolka Sool.

Jahhaddan oo la sheegay inuu hogaaminayay nin lagu magacaabo Col. Faysal Falaalug ayaa Xalay Weerarkani fuliyay sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku nool tuulooyin halkaasi ku kuyaalaa.

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii jahadaasi oo la sheegay inay yihiin maleeshiyaddii Khaatumo ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee agagaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu  ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaadhay inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog xaqiiqo ah laga helo.

Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo si kooban ula hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta  ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xidhan ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay khasaare gaadhsiiyeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaadhay.

Dhinaca kale taliska ciidamada Somaliland ayaan weli dhinacooda ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo dadka degaanka ay ku tilmaameen midkii ugu cuslaa ee dhexmara jabadda Khaatumo iyo ciidamada Somaliland marka loo eego hubka culus ee halkaasi ka dhacayey habeenkii xalay.

COMMENTS
Latest News