caroog.net
Deg Deg Cirro Oo Hadda Hanjabay” Cabudhinta Saxaafadda Waxa Ka Dhalan Doonna Kacdoon Shacbi, Soconna Mayso In Kolba Mid La Xidho,Waxa Hadda Albaabada Loo Laabay Joornaalkii Foore”.
April 30, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ayaa goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay arimo badan, waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda wadanku  hadda ku sugan yahay.

Gudoomiye Cirro ayaa isagoo ka hadlay muran dhinaca doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi  “Haddii uu go’aansaday Madaxweyne Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabto annaguna ma doorasha la’aan doono, dhammaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh diiwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan.

Waxa kale oo uu ka hadlay Cabudhinta Saxaafadda iyo Wargeyskii Foore ee Albaabadda loo laabay“Cabudhinta saxaafadda waxa ka dhalan doonna kacdoon shacbi, soconna mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo waxaana hadda Albaabada loo laabay Joornaalkii Foore”.

COMMENTS
Latest News