caroog.net
Deg Deg: Cutubyo Ciidanka Qaranka Somaliland Ka Tirsan Oo Ku Dhawaaday Maleeshiyo Aad U Hubaysa Oo Ka Amar Qaata Boqor Buurmadaw Iyo Maleeshiyaddii Oo U Fakatay Dhinaca Puntland.
June 9, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net)  – Ciidamadii Qaranka Somaliland ee hawlgalka maalmahan ka waday Deegaamo ka tirsan Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Gar-adag ee Gobolka Sanaag ayaa si  lama filaan ah ugu dhawaaday Goob ay ku xeraysnaayeen Meeleeshiyo beeleed aad u hubaysan oo ka amar qaata Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw.

Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Caroog ka heshay dad ku sugan Deegaan Ceel Afweyn ayaa daaha ka rogay in Ciidamada Qaranka Somaliland ee tan iyo markii deegaankaasi lagu laayay Saraakiisha Ciidanka Somaliland ka tirsan hawlgalka ka waday in markii ay ku dhawaadeen Meel ay deganaayeen Maleeshiyo aad u hubaysan oo uu Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw ku lahaa Deegaanka Carab-Cad ay wararku sheegayaan inay maleeshiyadaasi goobta iskaga guurtay, una ruqaansatay dhinac Puntland, wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya inay saldhig ka samaysteen Damale Xakare oo ku taal Xadka Puntland iyo Somaliland.

Lama garanayo inay halkaasi uga sii guuri doonaa dhinaca Puntland iyo inay isku soo dhiibi doonaa Somaliland balse warar aanu helaynaa waxa ay sheegayaan inay Ciidankaasi ka kooban yihiin illaa 400-askari iyo Tikniko illaa tobaneeye ku dhaw oo nooc walba leh oo qaarkood hub Culus jiidayaan.

Warar kale ayaa sheegaya inay Xukuumadda Somaliland Maleeshiyadaasi warkeeda haysay islamarkaana ay markan damacsanayd inay Goobta ay deganaayeen ku weerarto balse maleeshiyada ayaa Sida la sheegay Isla Xalay u baneeyay, una guurtay Dhinaca Puntland.

 

COMMENTS
Latest News