caroog.net
Deg Deg: Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Ku Tagayay Dalka Sweden Oo La Hakiyay, Wasiiro Badelkiisii Laga Dhigay Iyo Warar Xasaasi Oo Shabakadda Caroog Ka Heshay.
June 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Xafiiska Somaliland ku leedahay Dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweyne Muuse Biixi ka baaqday Safarkii uu ku tagayay Dalka Sweden todobaadkan waxaanu Qoraal uu Soo saaray ku sheegay inaanu Madaxweynuhu Xubnaha Safarkaasi ka mid Noqonayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ee dalka Sweden oo uu ku Saxeexan yahay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax safar ah oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku imanayo dalka Sweden, Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan: “ Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada Sweden in aanay jirin wax safar ah oo madaxweynuhu ku imanyo dalka Sweden. Sidoo kalena aanu wararkan ku aragnay uun baraha bulshada.

Aniga ka wakiil Ahaan (Zakariye Xasan Wacays)  waxaan sheegayaa inaanu jirin wax xidhiidh ah oo aan arintan kala yeeshay madaxtooyada Somaliland , ka wakiil ahaana waxaan la xidhiidhay wasaarada arimaha dibada & Wasiirka waxayna ii sheegeen in aanuu jirin wax safar ah oo qorsheysan ama kedis ah oo madaxweynaha Somaliland uu ku imanayo dalka Sweden, Isla markaana wararka dhex wareegaya baraha bulshada aanay waxba ka jirin oo aanay run ahayn.

Ugu danbeyntii Safaarada Somaliland ee Sweden & Wakiilku waxay bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Sweden ay ugu mahadqanaysaa sida ay u xiiseynayaan imaanshiyaha madaxweynaha ee dalkan Sweden ee ay aadka ugu faraxsan yihiin in madaxweynahoodu uu ugu yimaado dalkan Sweden”. Ayaa lagu soo koobay qoraalkaasi.

Warar kale oo Shabakadda Caroog ka heshay dalka Sweden ayaa sheegaya in markii hore Madaxtooyadda Somaliland qorshaysay inuu Madaxweynuhu safarkan u baxo balse warar hoose oo laga soo wariyay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan dad Somaliland lidi ku ahi uu sababay in Madaxweynaha Liiska Safarka laga reebo. Dhaqdhaqaaqaasi ayaa lagu sheegay inay wadeen dad kasoo jeeda beelaha darafyo oo doonayay inay ku mudaharaadaan madaxweyne Biixi.

Warar kale ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha laga reebay kadib markii Madaxtooyaddu xog dheeraad ah ka heshay Meeqaamka Shirka lagu Casuumay oo u cuntami waayay inuu Madaxweynuhu ka qayb galo, sidaana waxaa la qorsheeyay inuu Safarkaasi ka koobnaado oo qudha Koox Wasiiro ah oo aan wali magacyadooda iyo tiradooda la shaacin.

COMMENTS
Latest News