caroog.net
Deg Deg: Shabakadda Caroog Oo Wax Ogaatay Sababta Uu M/Biixi Ugu Aamin Waayay Wasiir Xigeenka Qorshaynta Eng Buuni Kusimaha Wasaaradda Ee Uu Sacad Ugu Baahday + Arin Xasaasi Ah.
June 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Shabakadda Caroog.net ayaa wax ka ogaatay sababta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga diiday inuu Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Xuseen Jaamac Buuni ku sime Wasiir kasii ahaado Wasaaradda Qorshaynta maadaama oo wasiirkii xaalad Caafimaad Dhakhtar dibadeed loogu qaaday, islamarkaana Uu Wasiir Sacad oo wasaarad Kale xilkeeda haya ugu igmaday.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Caroog ka heshay hawl wadeenadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa iftiimiyay in Sababta Looga diiday inuu wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Mr Buuni sii maamulo wasaaradda inta uu wasiirkii xaalad caafimaad ku maqan yahay ay tahay arimo Musuq maasuq oo la gaadhsiiyay Madaxweynaha taasi oo sida la sheegay uu lacago kooban kaga urursaday Hay’addo maxali ah oo xidhiidh leh wasaaradda, arintaasi oo lasheegay inuu ku kacay intan uu wasiirku maqnaa.

Wararkan ayaa sheegaya inay taasi sababtay in laga joojiyo inuu wasaaradda sii maamulo, islamarkaana waxa uu Madaxweyne Biixi maamulka wasaaraddaasi u sii wakiishay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire oo uu madaxweyne Biixi ka aaminsan yahay inuu yahay shaqsi ka xor ah arimo musuq maasuqo iyo wax isdaba marin intii uu Qaranka u shaqaynayay.

Waxaa wali ku socota baadhis xoogleh Wasiir ku xigeenka Qorshaynta taasi oo horseedi karta inuu Xilka ku waayo. Wasiir Buuni ayaa kasoo jeeda Beelaha Laga tiradda Badan yahay(Gabooye) waana markii u horaysay ee uu xil Qaran qabto. Wasiir Buuni ayaa waxa uu hore uga shaqayn jiray NGOS-yadda dalka ka hawlgala kuwaasi oo aad loogu tiriyo in yihiin meelahaasi ugu rabshadda badan dhinaca wax iswaydaarinta iyo Musuq maasuqa ama Xisaab la’aanta kajirto.

Lasoco Warar Wixii Kasoo Kordha.

COMMENTS
Latest News