caroog.net
Deg Deg: Shabakado Wax-Dila Oo Abaabulan Oo Ka Dillaacay Somaliland Iyo Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Shaaca Ka Qaaday + Noocyada Ay Ka Kooban Yihiin.
May 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi, oo shalay warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shabakado xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya nabad-galyada Guud ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahani ay ka koobanyihiin dad badan oo la yaqaano iyo kuwa kale oo aan haybtooda la aqoon.

Gaafaadhi ayaa waxa uu Kooxahani ku sheegay wuxuu ugu yeedhay ‘Casaabado’, isagoona ka dhawaajiyey inay iskugu jiraan oo ay ka kooban yihiin kooxahaasi Madax-dhaqameedyo, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad ajaanib ah. Wasiirka ayaa ku eedeyay kooxahaasi inay ka dambeeyan xasarado badan oo amni-darro oo ka dhaca deegaanada Somaliland.

Wasiir Gaafaadhi oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuulna ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca”.

“Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu leenahay Dadkaa maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen”.

Waa markii ugu horaysay ee Somaliland laga maqlo arimo noocan oo kale ah waxaanay arintani ku soo beegmaysaa wakhti dhawr todobaad kasoo wareegeen markii dil qorshaysan loo gaystay Taliyihii Xabsiga, iyo taliye ku xigeenkii Saldhiga Degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag kuwaasi oo aan illaa hadda gacanta lagu dhigin.

 

Source: Caasimaddaonline

COMMENTS
Latest News