caroog.net
Deg Deg: Shaqaaqo Mar Kale Xalay Ka Dhacday Deegaanka Darar Weyn Ee Gobolka Sanaag Iyo Israsaasayn Xoogleh Oo Laba Beelood Oo Halkaasi Wada Degaa Iswaydaarsadeen.
June 14, 2019 - Written by admin

Darar-Weyne(Caroog.net)  – Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Darar-weyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in israsaasayn xooglehi xalay mar kale dhex martay dablay hubaysan oo ka kala tirsan labada beelood ee halkaasi wada dega.

Dablaydan oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad Yoonis(Habar yoonis) iyo Biciide (Habar jeclo) ayaa  isku rasaaseeyay Magaaladda Darar weyn oo ka tirsan Degmada Ceel afweyn ee Gobolka Sanaag abaaro nuskii hore ee Xalay.

Majiro wax khasaare ah oo labada dhinac kala gaadhay, sida ay Shabakadda Caroog u sheegeen dad deegaankaasi ku sugani, waxaana marka hore soo weerar tagtay Jabhadda beesha Sacad Yoonis balse kuwan kale ayaa ka war helay, waxaanay ugu jawaabeen rasaaas xoogleh, taasi oo keentay inay markii dambe labada dhinac kala cabsadaan.

Wixii warar kasoo kordha kala soco Caroog.net.

COMMENTS
Latest News