caroog.net
Deg Deg: Xildhibaan Dhakool Oo Saaka La Keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Oo Diiday In Dacwad Lagu Furo Shaqsi Xasaanad Huwan.
May 11, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Axmed Dhakool.

Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xidheen magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi.

Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan soo qabashada xadhigiisa loo marin sifo sharci ah, isagoo ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xidhay isagoon Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada.

Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, ee Hargeysa kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay.

Xildhibaan Dhakool ayaa waxa ay ciidanka bilaysku sheegeen in loo haysto hadal uu dhawaan ka dhawaajiyay kaasi oo ku sheegay xuska maalinta 18 May maalin madow oo Beelo gaar ah badhaadhahooda ah.

COMMENTS
Latest News