caroog.net
Dhacdo Argagax Leh Oo Shalay Ceel Afweyn Ka Dhacday Iyo Askari Ciidanka Ka Tirsan Oo Gaadhi Lagala Degay, Markiibana Qudha Laga Jaray + Ganacsade Weyn Oo Ay Askari Walaalo Yihiin.
July 28, 2019 - Written by admin

Ceel Afweyn(Caroog.net) – Dhacdo naxdin baddan ayaa shalay galabtii ka dhacday Deegaanka Degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag halkaasi oo Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland gaadhi lagala degay islamarkaana Markiiba qudha laga jaray.

Askarigan ayaa sida la sheegay isagoo keligii ah oo gaadhi qabaal ah wata (Nooca Ciidanka Qaada) ayaa goor galabtii ah ka baxay Magaalada Ceel Afweyn waxaana la sheegay in koox hubaysan oo kasoo jeeda beesha Kornayl Caare ay dhexda u galeen islamarkaana intay gaadhigii kala degeen ay isagiin halkaasi ku kharaajiyay iyagoo meydkii goob cidlo ah kaga tagay islamarkaana gaadhigii horey uga kaxaystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaar ka ah u tababaran ee RRU-da ayaa sida la sheegay markii uu soo gaadhay warkani waxay baadi doon u galeen meydka Askarigii, gaadhigii iyo kooxdii dilka fulisay, waxaana lasoo sheegayaa in dagaal dhex maray kadib ay Ciidanka RRU-du ka soo qabsadeen gaadhigii. Wararka  Shabakadda Caroog helayso ayaa sheegaya in dablaydaasi loo gaystay dil iyo dhaawac, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in saddex nin oo dhaawac ah ay ciidanku soo qabteen.

Alle ha unaxariistee, Askarigan lagu dilay Ceel Afweyn oo magaciisa lagu sheegay  Maxamuud Maxamed Abokor ayaa waxa ay walaalo yihiin Ganacsadaha Shirkadda Qaadka Somaliland Siciid BARJE SAAFI, waxaanay jufo hoose yihiin Madaxweyne Biixi.

Xaaladda Ceel Afweyn ayaa illaa Xalay Deganayd waxa kale oo kasoo kordhayna majiraan.

COMMENTS
Latest News