caroog.net
Dood Culus Oo Ka Taagan Haweenayda Qudha Ee Ka Tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Qaabka Ay Kursiga U Banayn Karto, Ugana Mid Noqon Karto Kuwa Cusub.
February 6, 2020 - Written by caroog

“Anigu Wali Maan Gaadhin Go’aan aan Warbaahinta Ka Sheego, Inaan Iscasliyo Iyo In Kale Wakhtigeeda Ayaan La Sugayaa, Warbaahintana Waan Iskugu Yeedhayaa”.Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi

Hargeysa(Caroog.net) – Haweenayda Qudha ee ka tirsan Komishankii Doorashooyinka Somaliland ee Cusbaa ee la isla qaatay inay kuraasta baneeyaan, horena uga tirsanayd Komishankii hore Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi ayay doodi ka taagan tahay qaabka ay isku casili karto, islamarkaana uga mid noqon karto komishankii hore ee lasoo celinayo ee ay ka tirsanayd.

Warar illaa shalay la isla dhexmaray ayaa sheegaya in Kaltuun sheikh Xasan iscasilayso, islamarkaana ay noqonayso qofka labaad ee iska casila kooxdan  Cusub, hadana warar kale oo saacidihii u dambeeyay suuqa soo galay ayaa sheegaya inay haweenaydaasi ka fiirsanayso qaabkii ay isku waafajin lahayd laba arin oo si gaar ah loo sheegayo inay nasiib u heshay. Waxa ay kaltuun qorshaynaysaa sidii ay mar saddexaad uga  mid noqon lahayd komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, maadaama oo markii hore laga reebay komishankii hore oo soo xushay haddana lasoo celinayo kuwii ay ka tirsanayd.

Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ah xubnihii uu Madaxweyne Biixi u soo xushay komishankii Cusbaa ee Doorashooyinka Somaliland ayaa si gaar ah waxay doodi uga taagan tahay oo kale sida ay Komishankii ay hore uga tirsanayd ee laga reebay ee haddana hadda lasoo celinayo ay mar kale uga mid noqon karto, waxaanay dad badani ku tafsiirinayaan inay Kaltuun lumisay fursadaasi islamarkaana ay raacayso oo ay la duruuf noqonayso komishanka la kala dirayo halka ay  aragtiyo kale sheegayaan inay xaq u leedahay inay soo noqoto mar kale oo sharci u diidayaa aanu jirin inay dib ugu baxdo komishankii ay hore uga tirsanayd ee lasoo celiyay.

Haddaba Wargeyska Foore oo Xalay telefanka kula xidhiidhay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, islamarkaana wax ka waydiiyay ayaa waxay si kooban ugu jawaabtay sidan “Anigu wali maan gaadhin go’aan aan warbaahinta ka sheego, inaan iscasliyo iyo in kale wakhtigeeda ayaan la sugayaa, warbaahintana waan iskugu yeedhayaa markaan go’aan gaadho”. Ayay hadalkeeda ku soo koobtay.

Dhinaca kale Garyaqaan Yuusuf Biixi Maxamuud oo ka tirsan sharciyaqaanada Somaliland oo aanu dhinaca sharciga arinta wax uga waydiinay ayaa waxa uu yidhi “sida uu dhigayo qodobka.11-Aad farqadiisa 1aad xubintiisa “C” mudada xilka komishanku waa 5 sano waana loo cusboonaysiinkaraa balse sida uu xilka kaga tagi karo komishineerku waxa ka mida sida ku cad qodobka 12aad ee xeerlr.20/2001 Qodobka.13aad”

Xeerku waxa uu sheegayaa sida lagu soo buuxinayo marka xubin ka mid ahi ay banaanato markaas hadii ay xubinimada iska casisho imika waxay luminaysaa inay soo noqoto sharci ahaana waxaa muhiim ah in madaama ay iyadu tahay komishan saxa oo la dhaariyey in marka xubnaha kale is casilaan ay iyadu sii taagnaato xubnaha kale uun lagu soo buuxiyo balse hadii ay is casisho waxay luminaysaa xubinimadeeeda muhiimadu waa in lixda kale la soo buuxiyo iyadoo iyadu sii joogta xubimadeeda” ayuu garyaanku hadalkiisa kusoo koobay.

COMMENTS
Latest News