caroog.net
Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Xukuumadda Muuse Ku Dhaliilay Inaanay Illaa Hadda Waxba Ka Qaban Colaaddii Ceel Afweyn, Kuna Baaqay In Laga Hortago Inay Dhibaato Kale Dhacdo.
November 24, 2018 - Written by admin

“Illaahay Baa Qadaray Inay Soo Af-Jarmi Weydo, Waxa Waajiba In Wixii Dhacay Wax Laga Qabto Lagana Hor-Tago Dhibaato Kale”.

Ceel Afweyn(Caroog.net) – Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa gaadhay Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaanu shaaca ka qaaday inaan waxba laga qaban wixii ka dhacay Ceel Afweyn.

Maxamuud Xaashi ayaa sidan ka sheegay qoraal uu soo dhigay Barta uu Facebookga ku leeyahay ee uu Bulshada kala xidhiidho, waxaana ka mid ahaa. “Galabta waxaan soo gaadhay magaaladda ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Salaadiinta,waxgaradka culimdda,dhalinyaradda iyo xildhibaanadda heer qaran iyo heer dagmo ee igu soo dhaweeyay magaaladan ceel-afweyn.

intaa kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo xaaladda magaaladda ceel-afweyn gogoshii ballaadhnayd ee halkan la dhigay waxa ka danbeeyay laba dhacdo oo fool-xun oo dhaawac ku ahaa yuhuuntii iyo yididiiladii bulshadu halkan ka qabtay,sidaa darteed waxa lagama-maarmaan ah in shacab iyo xukuumad-ba gacmaha lays-qabsado nabaddana laga wada shaqeeyo.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadii horaba dadaal iyo juhdi weyn ayay nabadda halkan geliyeen illaahay baa qadaray inay soo af-jarmi weydo, maal,maskax iyo muruq badan ayaa lagu bixiyay nabadaynta beelahan ceel-afweyn .

Dadkaa walaalaha ah ee ib-layska iyo in aqoon-xumi fidnadaa dhex dhigeen,waa dad gob-ah oo dhaqan wadaag leh,waa dad caws iyo ceel wadaagga waa dad ka caana qomiyadda soomaaliyeed dhulkeeda oo dhan oo naanays iyo hal-ku dhigyo gaara leh (Habar-lamaan) ayaaba la yidhaahdaa waxa waajiba in wixii dhacay wax laga qabto lagana hor-tago dhibaato kale.

COMMENTS
Latest News