caroog.net
Ex-Wasiir Qabo Oo Madaxweyne Biixi U Qoondeeyay Inuu Laba Teeram Talada Dalka Ku Soo Noqonayo, Fariinna U Diray Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Isku Haysta.
February 20, 2020 - Written by caroog

“Madaxweyne Biixi Waxa Uu Xaq Uleehay Inuu Hogaanka Qabto Laba Teeram, Madaxweynahayaga Garab Ordi Maayno”. Ex –Wasiir Qabo

Hargeysa(Caroog.net) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa sheegay in Qorshaha Xisbiga Kulmiye uu yahay inuu Madaxweyne Biixi laba teeram hogaaminta dalka ku soo laabto,waxaanu baaq u diray Ragga isku haysta Gudoomiyenimadda Kulmiye, isagoo sheegay inaanay jirin Cid uga xaqlihi isaga.

Waxa uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya “Anigu horena waan ugu dhawaaqay hankayga inaan Xisbiga Kulmiye Musharax ka ahay, Madaxweyne ayaan imika u dooranay oo Xisbiga ka soo dhex baxay, Raggii Taageeradda Buuxda siiyay ayaan ka mid ahaa, Xaqna wuxuu u leeyahay Lama Teeram, Haafkiisii baynu wali joognaa, Teeramkiisa kalena xaq ayuu u leeyahay, Muuse Dabadii Diyaar ayaanu unahay inaanu isasharaxno, madaxweynahayaga garab ordimayno”

Waxa kale oo uu yidhi “Laakiin maalinta uu gacmaha ka taagto, Diyaar ayaan ahay, Cid nooga xaq rooninna ma jirto, Habrahan maalinba midi qooqaysa ee la leeyahay maalinba halkan ayaa midi soo taagan tahay, Cid nooga caqlihi majirto, haddii ay tahay deegaan ahaan iyo haddii ay tahay shaqsi ahaan cid nooga xaqlihi majirto, laakiin waanu xishoonaa oo waxaanu ka xishoonaynaa waxaas imika ka dhex socda wadanka, ee maalinba deegaan kasoo jeeda Somaliland uu u bu’ayo haddaan Xisbiga Gacanta laga galin ama wax loo dhiibin inay wax Xumaanayaan,taasi uunbaanu ka xishoonaynaa”.

COMMENTS
Latest News