caroog.net
Faallo:Somaliland Keebay fiicnayn 28-sanno ee ay Jamhuuriyada Soomaalida ka mid ahayd (1960-1988) iyo 28-sanno ee ay goonida isu taagtay (1991-2019)?
July 3, 2019 - Written by admin

Somaliland Keebay fiicnayn 28-sanno ee ay Jamhuuriyada Soomaalida ka mid ahayd (1960-1988) iyo 28-sanno ee ay goonida isu taagtay (1991-2019)?

Waxaan doonayaa inaan is barbar dhigo wixii u qabsoomay Somaliland markii ay ka tirsanayd Jamhuuriyadii Somalida (Somali Republic) iyo markii ay goonida isu taagtay (Somaliland Republic), maadaama aynu joogno 1 Luulyo oo ah markii ay isku biireen Somaliland iyo Soomaaliya oo gobonimada ka qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, siday u kala horeeyaan. Waxaan soo qaadanayaa horumarka xagga waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, wada jirka bulshada (social cohesion), ilaalinta degaanka, ganacsiga, siiba dhoofinta xoolaha nool iyo kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure).

Waxaan ka cudur-daaranayaa in dadka dhalinyarada ah ee aan qaan-gaadhka ahayn wakhtigii  ay Somaliland ka talinaysay xukuumadii Siyaad Barre (1988 iyo wixii ka horeeyey) uu ku adkaan doonto isbar-bardhigani, maadaama wax kasta oo looga sheegay Jamhuuriyada Soomaaliya ay ahayd wax taban oo aan khayr lahayn.

Dadka qaar ayaa odhan kara la isma bar-bardhigi karo dal aduunka laga ictiraafsanaa (Jamhuuriyadii Somalida) iyo dal aan cidi ictiraafsanayn. Taas waxaan kaga jawaab celinayaa, in mudadii ay jirtay Somaliland inteedii lagu ilaalin karaayey, haddaan macaa la tayaynin, arimahan nolosha dadka lagama maarmaanka u ah laakiin la dayacay oo lagu mashquulay dan shakhsi ah iyo reero lays barbar eryo (clan competition)!

1)      Waxbarashada: Xilligii Dowladii Soomaaliya

Xiligii Dowladii Soomaaliya waxaa jiray waxbarasho bilaa lacag ah oo tayo  leh, fasalka koowaad ilaa dugsi sare. Marka ardaygu dugsi sare ka baxo waxuu haystay fursad uu Jaamacada Ummada (Somali National University) ku galo taas oo ahayd mid lacag la’aan ah dhinaca waxbarasha (tuition fee), jiifka iyo cunto (room and board).  Ardaygu markuu jaamacada dhameeyo waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasiiradii/wakaaladii khusaysay waxa uu soo bartay. Tusaale ahaan, ardayga ka baxa kuliyadaha caafimaadka waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasaarada caafimaadka. Ardayga doona inuu iskii isaga shaqaysto, waxaa lagu khasbi jiray inuu bixiyo kharashkii wax lagu soo baray. Dhinaca kale, Jaamacada Ummadu waxay ahayd heer caalami, macalimiinta ka dhigtaana waxay u badnaayeen Talyaani.

Waxbarashada: Xilliga Somaliland

In-kastoo dadaalo farabadan la sameeyey, hadana waxbarasho tayo macquul ah leh waxaa maanta heli kara Somaliland kaliya qof awoodi kara dhaqaale ahaan, maadaama dugsiyada ay dowladu gacanta ku haysaa aad tayadoodu u liidato. Tusaale ahaan, macalinka dugsiyada dowlada wax ka dhigaa waxuu mushahar u qaataa bishii $100, halka macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay (private schools) ay qaataan ugu yaraan bishii $300. Sidaa darteed, macalimiintii tayada lahayd waxay aadeen dugsiyada gaarka loo leeyahay. Markuu ardaygu dhameeyo dugsiga sare wuxuu galaa jaamacado qof lacag haystaa uun gali karo oo aan tayada manhajkooda iyo macalimiintooda aad u liidato marka loo eego tii Jaamacada Ummada, intooda badana gaar loo leeyahay.

2)      Caafimaadka: Xilligii Dowladii Soomaaliya

Sida intiinii soo gaadhay aad og’ tihiin, daryeelka caafimaadka qofku wuxuu ahaa lacag la’aan. Sidoo kale, dawada la isticmaalo waxay ahayd mid tayo leh, waxaana soo dejin jirtay ASPIMA oo ahayd hay’ad dowli ah oo hoos tagta wasaarad caafimaadka.

Dhinaca Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) ayaa tixgalin gaara la siin jiray iyadoo Fayadhowrayaashu ay dabagal joogto ah ku hayeen meheradaha cuntada bisil iibiya rukhsadona (license) aan la siin jirin kuwa aan lahayn bulaacado ay wasakhda ku shubaan.

Caafimaadka: Xilliga Somaliland

Waxaa caafimaad heli kara kaliya qof lacag haysta oo iska bixin kara. Iska daa wax kale’e haddii, tusaale ahaan, la keeno gabadh umulaysa Cusbitaalka Guud ee Hargaysa waa in loo soo iibiyaa irbadii dhiig joojinta. Dhinaca kale, daawada la isticmaalaa waa mid tayadeedu liidato oo ganacsato mucaash doon ahi soo dejisay oo aanay jirin cid soo hubisay (quality control).

Waxaa haba yaraatee istaagay ka warhayntii Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) iyadoo aanu jiray Fayadhowr dabagal ku sameeya meheradaha cunta bisil iibiyo, rukhsadana (license) bixinteedana lagu xidho kaliya cashuur ay bixiyaan.

3)      Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilligii Dowladii Soomaaliya

Dhoofka xooluhu wuxuu ahaa waxa ugu badan ee Somalidu dhoofiso, kana hesho lacagta adag ee ugu badan (hard currency). Xilligii Dowladii Soomaaliya waxaa la eegi jiray tirada ugu haboon ee xoolaha ah ee la dhoofin karo (quantity of supply), siiba xilliga Xajka, si neefka xoolaha ahi qofka reer miyiga ah uu wax ugu goyn karo. Marka tirada la xadido (quantity of demand) ayaa ganacsatada xoolaha dhoofisa loo qaybin jiray mid waliba inta neef ee uu dhoofin karo. Intaa ka dib qofka ganacsadaha ahi waxuu tagi jiray Sacuudiga oo uu la soo heshiin jiray ganacsatada Sucuudiga ee xoolaha, waxaana lacagta loogu shubi jiray Bangiga Ganacsiga Soomaaliya ee Jiddah ku yaalay, ka hor intaan xoolaha la soo rarin. Sidaa darteed, haddii ay dhacdo in markabka xoolaha sidaa badda ku dego, waxaa khasaarayey ganacsadaha Sucuudiga ah waayo ganacsadaha Soomaaliga ahi isagoo lacagtiisii wuu qaatay.

Ganacsiga badeecadaha kale ayaa Iyana la hubin jiray tayadooda,  lana kala xadayn jiray, loomana ogolaan jirin in ganacsaduhu maraakiib soo rarto, haddana uu tafaariiq u iibiyo alaabta; waxaana lagu khasbi jiray inuu jumlad ku wareejiyo si loo kala macaasho.

Kaabayaasha dhaqaale ayaa la hir-galiyey oo ay ka mid yihiin: dhisida wadada isku xidha Hargaysa-Berbera-Burco-Muqdisho, dekeda Berbera iyo madaaro.

Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilliga Somaliland

Maadaama aanay Somaliland ahayn meesha kaliya ee xoolaha laga-soo dhoofiyo dalkii laysku odhan jiray Jamhuuyida Somalida, waxaa si xad-dhaaf ah u batay tiradii xoolaha laga-soo dhoofinayey (over-supply) dekedaha Somalida, taas oo keentay in ganacsatada xoolaha Sucuudigu ku cadaadiyaan dowladooda inay joojiso xoolaha uga imanaya Jamhuuriyada Soomaaliya. Joojinta xoolaha ee Sucuudiga, oo ahaa suuqa ugu wayn ee Soomaalidu xoolaha u dhoofiso, waxay ku keentay Somaliland, oo ahaa suuqa ugu wayn ee xoolaha Somalida laga dhoofiyo, dhaqaale burbur saameeyey dadka xoolaha dhaqatada ah, ganacsata xoolaha, xukuumada oo cashuuri jirtay iyo dhamaan bulshada inteeda kale oo duul-duulku (the economic multiplier) soo gaadhi jiray.

Ganacsiga badeecadaha kale ayaa iyana aan tayadooda cidina hubin,  kala xadayn lahayn, waxaana dhacda hadda in ganacsaduhu markab alaaba soo rarto oo halkii uu jumlad ku wareejin lahaa isagu tafaariiqeeyo halkaana ku curyaamiyo ganacsatadii yar-yarayd ee wax tafaariiqayn jirtay.

Ma jiro kaabayaal dhaqaale (infrastructure) oo la hirgaliyey intii Somaliland jirtay marka laga reebo Madaarka Hargaysa oo Dowlada Kuwayt ku bixisay toban milyan oo Dollar dayactirkiisa laakiin lacagtaa inteedii badnayn ay ku dhacday jeebabka dad gaar ah wakhtigii xukuumadii Siilaanyo.

4)      Ilaalinta Deegaanka (Environment Protection): Xilligii Dowladii Soomaaliya

Maadaama aynu nahay bulsho dadkeedu xoolo dhaqato u badan yihiin, waxaa muhiim ah in degaanka laga ilaaliyo wax kasta oo nabaad guur u keeni kara. Waxaan xusuustaa laba arimood oo degaanka lagu ilaalin jiray waagaas. Ta hore waxay ahayd in seerayaasha la xidhi jiray wakhtiga gu’ga, lana furi jiray wakhtiga jiilaalka. Tani waxay keeni jirtay in dhulka daaqsinka ah la-kala nasiyo oo xooluhu xilli kasta helaan cawskii iyo dhirtii kale ee ay daaqayeen. Ta kale, waxay ahayd inaan la ogolayn in cid waliba dhirta gubto oo dhuxulaysato. Si taa loo sugo, waxaa jiri jirtay Iskaashatada Dhuxusha oo hoos tagi-jirtay Wakaalada Dhirta iyo Daaqa. Iskaashatada Dhuxusha oo ay la shaqaynayaan shaqaalaha Wakaaladaasi ayaa kaliya gubi jiray dhirta qalashay, dhir cusubna meeshii dib uga beeri jiray.

Ilaalinta Degaanka (Environment Protection): Xilliga Somaliland

Intii Somaliland jirtay ma jirto seerayaal la xidhay wakhtiga gu’ga si xoolo dhaqatadu uga faa’iidaysato xilliga jiilaalka ee daaqu gabaabsiga noqdo. Sidoo kale, waxaa loo fasaxay oo cashuur uun laga qaadaa cid kasta oo dhuxulaysato ah. Degaano badan ayaa hadda isugu soo baxay lama degaan, ka dib markii dhirtii la gubay oo dhuxul laga dhigtay. Dhinaca kale, baddaha ayaa iyana laga kireeyey doonyo iyo maraakiib shisheeyo wato oo kaluumaysato ah, kuwaas oo xaalufin ba’an ku haya khayraadkii badda.

5)      Wada Noolaansha Bulshada (Social Cohesion): Xilligii Dowladii Soomaaliya

Is-dhexgalka dadka iyo wada noolaanshahooda ayaa aad u fiicnayd, mana jirin kala qo-qob qabyaaladaysan iyo dagaalo beelo oo soo noqnoqdaa marka laga reebo qaar meelo gaar ah ku kooban oo siyaasadaysnaa. Hadaan si kale u idhaahdo dadku wuu is jeclaa, waxaana laysku soo dhawayn jiray “Reer Waqooyinimo!”

Wada Noolaanshaha Bulshada (Social Cohesion): Xilliga Somaliland

Waxaad moodaa in dadkii hoos isugu noqday oo dad dano-gaar ah wataa bulshadii u kala qaybiyeen habro isku lidi ah. Tusaale ahaan, doorashadii madaxweynha ee 2017 ayaa musharixiintii ku ollolleeyeen hab qabiili ah oo dadka aad u kala fogaysay. Dadkii ehelka, qaraabada, xididka, xigaalka iyo jaarka ahaa, madaxa ayaa laysu galiyey oo laysu tusay inay cadow isu yihiin.  Dhinaca kale, waxaa bilaabmay in la-kala gurto oo qabiil walba meel gaara isugu ururo, gobol gaar ahna samaysto. Gobolada qabiilada gaar ahi sheegteen waxaa ka mid ah: Saaxil (Ciise Muse), Salal (Ciise), Baligubedle (Arab), Daad Madheedh (H. Yonis), Saraar (H. Jeclo), Gabiley (Sacad Muse), Taleex (Dhulbahante), Badhan (Warsangali) iwm.

Maxaa Ugu Wayne e Somaliland laga faa’iiday?

Somaliland waxaa laga faa’iiday xoriyada hadalka (freedom of expression), saxaafada (freedom of the press) iyo ka siyaasada (political participation) oo aan jiri jirin labaatankii sanno ee ugu danbeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya oo ah wakhtigii ay talinaysay xukuumadii Siyaad Barre. Hase yeeshe, qof aan haysan daruuriyaadka nolosha maxay u tari doonaan xoriyaadkani? Sidaa darteed, waxaa faa’iidada ka helay Somaliland dadka dabaqada sare “elites” oo iyagu awalba haystay daruuriyaadka nolosha laakiin hamuun u qabay inay siyaasidaya cidhiidsadaan, afkoodana furtaan oo fikirkooda cabiraan.

 

Cabdillahi Xuseen

Abhussein1988@gmail.com

COMMENTS
Latest News