caroog.net
“Falka Uu Wasiir Biyuhu Ku Kacay, Waxa Uu Sii Kordhinayaa Tahriibka Iyo Dhalinyaradda Camal La’aanta Xamar U Yaacaya”.
January 12, 2020 - Written by admin

“Inanka Lawyo-Caddo Jooga Iyo Inanka Laasqoray Joogga Shaqadan Maanta Wasiirka Biyuhu Inankiis Siiyay Way U Sinaayeen”. Gud. Dhame.

Hargeysa (Caroog.net) – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa lafjab ku tilmaamay Fal aad loola yaabay oo uu Wasiirka Biyaha Somaliland ugu magacaabay wiil uu dhalay, Boos muhiim ah oo hay’addeed, waxaanay sheegeen inay tani sii kordhinayso niyad-jabkii ay dhalinyarto ka qaaday hogaaminta Kulmiye ee Dalkan, taasi oo uu ku sheegay inay sababtay inay dhalinyaro badan nolol u doontaa Dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay iyo tahriibka.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda heer Qaran ee Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Maxamed-Sidiiq Dhamme oo arintani ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wasiirka Biyaha Somaliland inankiisii ayuu u magacaabay Xidhiidhiyaha Hay’adda Care ee Wasaaraddiisa, Wasaaraddana shaqaalaheedda kamuu mid ahayn, waana musuq maasuqa halka ugu hoosaysa, ee ugu foosha xun leh, Waa qofkii dhex u noqon lahaa umadda, inankaasi umadda Somaliland ayuu ka mid yahay laakiin xaq uma laha inuu aabbihii isagoo shaadhkii umadda ka dhexeeyay xidhan inuu Shaqo gaar ah siiyo, waana ceeb weyna, waanna nasiib daro wayn oo muujinaysa in dhalinyaradda Somaliland ay ka quusato QARANKAN oo inna tusinaysa in inta Shaadhka Dawladda xidhani ay uga sad bursato inta kale ee aan dawladda ku jirin”.

Waxa kale oo uu yidhi “bal ka warama inanka dhiganayay Jaamacad ee Degree Qaatay,ee aanu Aabihii Wasiirka ahayn ee Duruufta adag lagu soo koriyay ee Shaqadaasi haddii uu u tartamo heli lahaa ee laga soo sooray inankan kale ee aabbihii joogo wasaaradda, kawarama mooralkiisa saaka, waliba way badan tahay, dhacdooyin badan oo noocaasi way badan yihiin, dalkanna shaqo abuur kama jiro, inta yar ee jirtana waxaad moodaa in in gaar ah lagu koobo, marka ay sidaas tahay ee dhalinyarada Somaliland loogu kala sad burinayo, wuxuunbay iska noqonaysaa rag rag carruur la korinaaya, Maadaama oo aanay daah furnayn oo aan loo tartamaynin”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Sidaanu warar xaqiiqo ah ku helnay, ninkaasi yari wasaaradda kamuu tirsanayn,  shaqaale badan oo shaqadaasi qaban lahaa ayaa jira, lamana xayaysiin oo looma tartamin, anagu waxaanu u aragnaa inay tahay musuq maasuq, inay tahay eex, inay tahay qabyaalad, inay tahay Qaraabo kiil, inay tahay halkii ugu foosha xumayd ee ugu nasiibka darnayd, ee ay Dhalinyarta Somaliland-na ay niyad jab wayn ku ridayso,  dhalinyaradda Somaliland muddooyinkan u dambeeyay waxay dalka uga yaacayeen, haddii ay badhkood Xamar tagayeen iyo haddii ay meelo kale u tahriibayeen waa sagaalkaasi sanno ee Kulmiye joogay, Muuse Biixi inankiisa iyo anigu waanu u siman nahay Xuquuq ahaan Qaranka”.

Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Waxa Somaliland lagu wada yahay waa Cadaalad, haddii uu wasiirku shaqada yar ee wanaagsan ee uu arko uu inankiisa yidhaa gal, dee Cashuurta maxaynu ku bixinaynaa, saw maaha uun rag rag carruur kale u korinaya, oo macnaheedu tahay in cid gaar ah uuni Qaranka ka tanahdo, Inanka Lawyo-Caddo jooga iyo inanka Laasqoray joogga shaqadan maanta wasiirka biyuhu inankiis siiyay way u sinaayeen”.

COMMENTS
Latest News