caroog.net
Farmaajo Oo Go’aansaday In Uu Badda Soomaaliyeed Uga Tanaasulo Dalka Kenya
July 10, 2019 - Written by caroog

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaadka soo socdo u safri doono Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida illo lagu kalsoonan karo ay xaqiijinayaan Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka labada Madaxweyne ku dhex mari doono Adis Ababa ayaa waxaa gadaal ka riixeyso Dowladda Mareykan oo dooneysa in arrinta muranka badda labada dal wada hadal ka galaan.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeyo labada dowladood, wuxuuna Safiirka Mareykanka u fadhiyo Kenya ku baaqay in miiska wada hadalka la fadhiisto.

Safarka uu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde ku imaaday Muqdisho ayaa hor  dhac u ahaa kulanka labada Mas’uul  waxaana la sheegay Inuu Shiddo farriin soo gaarsiiyey Madaxweyne Farmaajo.

Sida illo wareedyo rasmi ah xaqiijiyeen farriinta uu Axmed Shidde kasoo qaaday Abiy Ahmed ee uu soo gaarsiisay Farmaajo ayaa ujeedkeeda ugu weyn wuxuu ahaa dadaalada uu labada dal ka dhex wado iyo sidii wajiga labaad ee kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qaban lahaa.

Kulanka Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu Adis Ababa ka dhaco 13-ka bishaan  oo ku beegan Sabtida soo socoto.

Lama ogo go’aanka uu Farmaajo qaadan doono marka uu la kulmo Uhuru Kenyatta, balse falanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in cadaadis xoog leh lagu hayo Farmaajo ayna macquul tahay inuu madaxweynaha aqbalo go’aanka lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac isla markaasna la joojiyo dacwadda taalo maxkamadda ICJ.

Inuu jiro wadahadal dhex mari doono labada dhinac iyo in kiiska Dacwadda la xirayo ayaa hadal heynteeda waxay socotay muddo badan, waxaana siyaasiyiinta sheegay inay wadahadalo u socdaan Soomaaliya iyo Kenya kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka digay inay dowladda aqbasho wadahadalkaas taasoo sabab u noqon karto inay Soomaaliya lumiso badeeda.

COMMENTS
Latest News