caroog.net
Gaadhi Ambalaas Ah Oo Dawladda Qadar Ku Sadaqaysatay Xaafadda Maxamed Mooge Ee Hargeysa Oo Dekedda Berbera Ku Xaniban Iyo Faah Faahinta Ujeedka Gaadhigaasi.
June 13, 2019 - Written by admin

Berbera(Caroog.net) –  Gaadhi Ambalance ah oo ah nooca Meydka iyo Dhaawa ama gargaarka deg degga ah loogu talo galay oo Qurba joogta Xaafadda Maxamed Mooge Dawladda Qadar u soo bariday ayaa sida la sheegay ku xaniban Dekedda Berbera.

Qaar ka mid ah dadka Xaafadaasi ku dhaqan ee wax kala socda gaadhigan oo kaga hadlay arintani qoraal kooban oo ay soo dhigeen Facebookga ayay ku sheegeen inay gaadhigan Ambalance ka ah  oo Dawladda Qadar inagu soo sadaqaysatay ay Wasaaradda maaliyadda ama Xukuumaddu waydiisay Cashuur, islamarkaana uu sidaasi ugu xaniban yahay Dekeda Bebera.

Dadka gaadhigan soo diray ayaa sida la sheegay ka xumaaday darxumadda iyo adeeg la’aanta Dawladeed ee ka jirta Wakhtigan Xaafadda Maxamed Mooge oo sida ay sheegeen Meydka Lagaga qaado gaadhi Iskarogo ah, waxaanay sida ay sheegeen Dawladda Qadar ka baryeen gaadhigan Ambalanceka ah. waxay aad uga sii xumaadeen in Xukuumaddu Cashuur waydiiso gaadhigaasi iyagoo Baraha Bulshada ku faafiyay sawirka gaadhiga oo ay sheegeen inuu yaalo dekeda, Cashuur 4000-kun oo dollar gaadhaysana laga rabo.

 Halkan Hoose Ka Akhri Qoraalka Lagaga Hadlay Arintani

“Gaashigan Ambulance ah niman Garxajisa Dawladda Qadar kaga soo qaaday sadaqad si loogu qaado Maydka qofkii ku dhinta xaafada danyarta ah ee Maxamed Mooge oo ay Iskarogo qaadi jirtay”.

“Waxaan maqlay waa laga dhacay oo waxaa la yidhi $4000 ku cashuurta bartaa soo dhiga, hadii kale HEEGO ayaa la wareegsysa, xagee lagu arkay gaadhi caafimaad oo la cashuuro”.

Osman Omar Dool
Image may contain: car

COMMENTS
Latest News