caroog.net
Ganacsatada Somaliland oo ka faa’iidaysatay Cudurka Koronaha, Jeebka Bulshadana Baadhatay + kiishka Bariiska ah oo konton dollar Ku dhaw iyo Daawashada Xukuumadda.
March 19, 2020 - Written by caroog

“Dadka Shacabka Ah Oo Faylal Dhaadheer Illa Saqdii Dhexe Ee Xalay Ugalay Bakhaaradda Raashinka, Qiime Kastana Ku Iibsanaya Iyo Arxandaradda Ganacsatada.

Ganacsatada Somaliland ayaa iyagoo ka faa’iidaysanaya ka hortagga Cudurka CARONNA Virus-ka waxay bulshada u sheegeen inuu raashinkii iyo Quutal daruurigii dhamaanayo, waxaanay qiimo kasta kaga iibinayaan Raashinka iyo agabyo kale oo ay sheegeen inuu difaac u noqon karo Hargabka Koronna.

Ganacsatada reer Somaliland oo lagu yaqaano inay wakhtiga adag si arxan daro ah faa’iido uga raadiyaan shacabkooda ayaa islamarkii ay Xukuumadda Somaliland soo saartay xaaladda deg degga ah si looga hortago Cudurka Halista badan ee CORONNAHA, Waxay Ganacsatada Somaliland bulshada ku dhex faafiyeen inuu raashin waa dhici karo islamarkaana ay dhici karto in gaajo loo bakhtiyo, waxaanay taasi keentay inay bulshadu u yaaco dhinaca Bakhaaradda.

Ganacsatada wax tafaariiqeeya ayaa saacadba saacadda ka dambaysa cirka ku sii shareeyay qiimaha Quutal daruuriga ah, iyadoo qiimaha Kiisha Bariiska ah illaa Xalay ku dhaweeyay lacag u dhiganta Ku dhawaad kontan dollars, iyadoo dhinaca kalena wali bulshada u sheegaya inuu gabaabis yahay Raashinka islamarkaana ay dhici karto in la waayaba, waxanay taasi keentay inay gunta ka furta qof waliba wixii yaraa ee uu faraqa ku haystay.

Majirto illaa Xalay, wax talaabo ah oo dhinaca Xukuumadda kasoo fushay oo arinta wax lagaga qabanayo, haddii ay sidan kusii socotana waxa dhici karta inay xaaladdu sidan kasii siyaado oo ay dhacdaba inay Ganacsatado isku daydo inay qariso kaydka u yaala si ay u sii socota faa’iida xoogan iyo dhiig miirashada ay bulshada ku hayaan.

Dawladdii Madaxweyne Cigaal ayaa la sheegay maray sidan kale ka dhacday Somaliland wakhtiyadii 1995-kii, oo uu sicir-barar xuni ka dhacay dalka, in wasiirkii Ganasiga oo wakhtigaasi ahaa Cali Maxamed Warancade  islamarkaana uu ku xigeen u ahaa nin la odhan jiray Mr Fariid, inay amar ku soo rogeen ganacsatada Raashinka soo waaridda islamarkaana markii ay u hogaasami waayeen amarkii Dawladda oo wakhtigaasi aad u itaal darnayd inay gabi ahaanba xoog kula wareegeen Goobihii ama istooraddii raashinku yaalay, taasi oo markii dambe waan lagu dejiyay xaaladda.

COMMENTS
Latest News