caroog.net
Gudoomiye Cirro Oo Bilaabay U Guurgalida Nolosha Shacabka“Maalmahan Waxaan U Kuur-Galaynay Xaaladda Nololeed Ee Dadku Ku Sugan Yahay”. + Sawirro.
May 5, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxaxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shaaca ka qaaday inuu xisbigiisu bilaabay dhaq dhaqaaq ay ugu kuurgalayaan inay wax ka ogaadaan nolosha dhabta ah ee Shacabka Somaliland ku sugan yahay, waxaanu maalmihii u dambeeyay socod lug ah ku soo dhex jibaaxay xaafado ka tirsan Magaalada HARGEYSA isagoo maqaaxiyaha lagu kulmo saacado kula soo qaatay dad shacab ah.

Gudooomiye Cirro oo arintani ka hadlaya ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu Facebookgiisa soo dhigay“Galabta waxa aan la soo shaaheeyey qaar ka mid ah shacabka degmada Maxamuud Heybe. Waxa aan tagay maqaaxida caanka ah ee Jiic-Aboorka oo aan ku wada casariyeynay dad aad u badan”.

Waxa kale oo uu yidhi“Maalmahan waxa aan u kuur-gelaynay xaaladda bulshada, waxaana ay dadku aad iiga warameen xaalkooda nololeed”.

Arintan ay ku soo beegmaysa wakhti bulshada Somaliland la daalaa dhacayso xaalad nololeed tii ugu xumayd, sicir barar, biyo la’aan, shaqo la’aan, abaaro iyo duruufo qalafsan oo kale oo qofkasta gaarkiisa u asiibtay.

COMMENTS
Latest News