caroog.net
Gudoomiye Cirro Oo Laba Arimood Oo Muhiim Ah U Soo Jeediyay Madaxweyne Biixi Inuu Deg Deg U Fuliyo Si Somaliland Looga Baad Baadiyo Bur Bur Iyo In lagu kala dareero.
June 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa laba talo  oo aad u mihiim ah u soo jeediyay Hogaamiyaha aadka loo dhaliilsan yahay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu Bartiisa Facebookga soo dhigay waxa uu u soo jeediyay Madaxweyne Biixi inuu si deg deg ah u fuliyo heshiiskii Somaliland la gashay Siyaasi Cali Khaliif Galaydh iyo Maamulka Khaatumo, Waxa uu u soo jeediyay Muuse Biixi inuu wax walba ka horaysiiyo midaynta dadka iyo Dalka Somaliland.

Qoraalkan ayaa u dhignaa sidan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso Heshiiskii Ay La Galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh Iyo Maamulka Khaatumo, Waxaana Muhim Ah In Wax Walba Laga Horeysiiyo Maanta Mideynta Dalka Iyo Dadka”.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

COMMENTS
Latest News