caroog.net
Halkee Ayay Ku Dambaysay Waan Waantii Lagu Siidaynayay Siyaasi Ramaax Cali Hayste? Maxaase Ka Jira Inuu Gudoomiye Baashe Saamaxay?
January 12, 2020 - Written by admin

Xisbiga Oo Joojiyay Inay Ka Xaadiraan Dacwadda Ramaax Kadib Markii Ay Ogaadeen Inuu Baashe Ka Hadhay Dacwadda.

Ergo dhinacyo badan kasoo kala jeeda oo iskugu jirtay oday dhaqameed, ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa todobaadkii hore dhaq dhaqaaq ka waday sidii ay waan waan ugu soo dayn lahaayeen Xoghayihii Arimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridk ah ee UCID siyaasi Ramaax Cali hayste balse ay arintaasi haddda arimo aan la garanayn u joogsatay.

Wararka la xidhiidha arintan oo Wargeyska Foore ka helay dhinaca Xisbiga Mucaaridk ah ee UCID ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqii ergadaasi iyo waan waantii la rabay in lagu dhex dhexaadiyo Xukuumadda iyo Siyaasi Ramaax ay hadda hakad gashay islamarkaana ay ergaddii hawshaasi waday ay iskeed ukala biiq biiqeen kadib markii sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Xisbigu ay Gudidaasi ku hungawday kulan doonnayay inay la yeeshaan Madaxweynaha si ay u ugala hadlaan Xadhiga Xoghayah Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Siyaasi Ramaax Cali Hayste.

Illo-wareedyo aanu ka helay Xisbiga UCID ayaa noo sheegay in kiiskii Siyaasi Ramaax u gudbay Dhinaca Maxkamadda Gobolka Hargeysa taasi oo ay sheegeen inaanay garanayn cid dhibane ka ah, maadaama oo sida ay sheegeen uu qoraal saamaxaad ah uu Gudoomiyaha Wakiida Somaliland Baashe Maxamed Faarax u gudbiyay Maxkamadda Gobolka. Waxa ay noo sheegeen qaar ka tirsan madaxda Xisbiga UCID inay ka xisbi ahaan go’aan cad ka qaateen dacwadaasi oo aanay ka qayb galayn maadaama oo uu saamaxay Gudoomiye Baashe.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa todobaad ka hor Xoghayihii Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Siyaasi Ramaax Cali haysta xabsiga u taxaabay kadib sida ay sheegeen markii uu soo dacweeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay sheegeen inuu aflagaado u gaystay.

COMMENTS
Latest News