caroog.net
Halkee Ayuu Ka Curtay Khilaalka U Dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Iyo Xisaabiyaha Guud Axmed Daa’uud?.
November 7, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Caroog.net) –  Halkee ayuu ka curtay Khilaalka U Dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Xisaabiyaha Guud Axmed Daa’uud.

Sida wararka ay ku helayso Shakada Wararka ee Caroog.net,Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud ayaa marka hore warbixin ka sameeyay hoos u dhaca Miisaaniyadda Qaranka oo aad hoos ugu sii socota islamarkaana laga shaki qabo inay fashilanto odoros miisaaniyadeedkii sanadkani 2018-ku, marka loo eego xaalada jirta waxaanay taasi keentay inuu Wasiirka Maaliyaddu kaga jawaabay inuu goor habeenimo ah soo saaro Qoraal uu iskugu shaandheeyay Madaxda sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud taasi oo uu Xisaabiyaha Guud ganafka ku dhuftay kuna dooday inaanu Wasiirka Maaliyaddu awood sharci u lahayn islamarkaana ay tahay Farogalin maamul, waxaanay xaaladu aroortii markii uu waagii baryay isku shareertay cirta iyadoo buuq badan iyo guux badan abuurtay.

Khilaafkan marka hore ka curtay war warkan ku saabsan hoos u dhaca miisaaniyadda ee uu hore iftiimiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ah goobaha laga ogaan karo hoos u dhaca Miisaaniyadda iyo Kor u kaca, ayaa waxa ka horeeyay xog hore oo uu Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyay Madaxtooyadda taasi oo uu ku sheegay inay miisaaniyaddu gashay korodh (Surplus), Waxaanay arintaasi keentay in Madaxweynuhu gudi heer wasiiro ah u saaro kuwaasi oo illa hadda gacanta ku haya baadhisteeda balse warar kale ayaa iftiimiyay in gudidaasi iyo Wasiirka Maaliyadda laftooda khilaaf ka dhex istaadhmay kadib markii ay Gudidaasi isku dayeen inay Su’aalo ka waydiiyaan Wasiirka Xaaladda jirta,waxaanay wararku intaasi ku dareen in Xaalku taagan yahay Madaxtooyad islamarkaana ka go’aan gaadhista arimahaasi hor yaalaan Madaxweynaha.

Isku shaandhayntan Khilaafka sii horisay ee uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka guud oo uu kujiro Ku xigeenkii Xisaabiyaha Guud Keyse Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa ka muuqata cadho iyo aargoosi, waxaanu shaqo badel ku sameeyay sida dad badani carabka ku badinayeen qaar ka mid ah Shaqaale Xirfad sare oo aqooneed lagu shaqaalaysiiyay waxaana ka mid ah Madaxda Xafiiska gaarka ah ee EAFS oo ah goob si gaar ah ula shaqaysa Xafiiska Xisaabaadka Casriga PFM-ka, kuwaasi oo wax ka badelkoodu yaab iyo ama kaag ku dhaliyay guud ahaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Khilaafka Wasiirka iyo Xisaabiyaha Guud waa mid wali taagan, waxaanay maanta oo u dambaysay dhawr jeer iskugu yimaadeen Kulan balse wax heshiis ah lama sheegin. Lamana garanayo halka uu khilaafkaasi iskugu biyo shuban doono iyo inuu Wasiirku ka noqdo Talaabada uu qaaday oo ka hor imanaysa Xeernidaamiyaha Xukuumadda Muuse Biixi.

COMMENTS
Latest News