caroog.net
“Hooyadeey Waxay Dhimatay Iyada Oo Aan Ii Sheegin Inaan Cudurka HIV Qabo”
July 3, 2019 - Written by admin
Brian Amondi

Waaliddiinta dhiiggooda laga hela HIV qaarkood iyaga oo aan cidna u sheegin in cudurkaasi laga helay ayey sidaa qabri ku galaan. Carruurtooda oo ay arkaan caafimaad darrada maalin walba soo wajaheyso ayey haddana ka qariyaan inuu hayo cudurka taasoo saameyn aan yareyn ku yeelata ubadkooda ay ifka kaga tageen.

Brian marka uu dhashayba dhiiggiisa waxaa laga helay Faayraska HIV, laga billaabo marka ay da’diisu ahayd 10 jirna wuxuu qaadanayey dawada lagula tacaalo HIV-iiga.

Hase yeeshee, ilaa ay da’diisu ka gaartay 14 jir oo ay hooyadiina ka geeriyooto ma uusan ogeyn dawada uu qaadanayo waxa ay tahay iyo cudurka uu u qaadanayo midna.

Hadda Brian waa 22 jir wuxuu Kaniisadaha iyo goobaha dadka ay isugu yimaaddaan uu ka wadaa wacyigelin halku dhig uu uga dhigay “Jiilka soo socda ha badbaado oo dhibka anagu hanagu ekaado!”.

“Carruurnimadeydi waxaan xusuustaa inaan aad u xanuunsanaa xaaladdeyda caafimaadna marba marka ka sii dambeysa ay ka sii dareyso ayey hooyadey dhakhtarka i geysay” ayuu yiri Brian.

Marki Brian baaritaan lagu sameeyey waxaa dhiiggiisa laga helay HIV wuxuuna billaabay inuu dawada lagula tacaalo HIV-iiga uu qato, balse hooyadii uma sheegin cudurka laga helay iyo dawada uu qaadanayo waxa ay tahay.

Hooyadii markay dhimatay wuxuu la noolaa eeddadii, dadka jaarka la ah eeddadii ayaa waxay billaabeen xan ku aaddan cudurka Brian hayo carruurti ay dhaleenna waxay billaabeen iney farta ku fiiqaan iyaga oo sheegaya inuu cudurkaasi hayo.

“Waaliddiinta badankood waxay carruurta u sheegaan iney la ciyaarin carruurta uu hayo faayraska HIV” ayuu yiri Brian Amondi.

Wacyigelin HIV ku saabsan oo ka socota gudaha Kenya

“Qalbijabki ugu weynaa waxaan kala kulmay gabar aan kulannay xilli aan dhiganayey dugsiga sare oo igu tiri waxaad qabtaa cudurka AIDS-ka soo ma aha?.”

Dalka Kenya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrikaba carruurta iyo dadka waaweynba waxay qaadaan HIV, carruurta yar yar oo dhasha iyaga oo dhiiggooda uu ku jira faayraska HIV, haddana iyaga oo aan ogeyn inuu faayrasakaasi hayo ayey sidaa ku dhintaan.

“Dadka qaar waxay dawadooda ku qaataan si qarsoodi ah, aniguba marka aan hubsado dadku iney seexdeen oo ay jirin wax shanqarayo ayaan dawadeyda qaataa” ayuu yiri Brian.

Wini Arondi oo hadda 27 jir ah, iyada oo 12 jir ah ayey marki ugu horreysay ogaatay inuu dhiiggeeda uu ku jira faayraska HIV xilligaasina dareenkeeda sida uu noqday inuu ahaa mid ay hadda ka sheekeyn karin oo naxdin darteed uu wjiga la madoobaaday ayey sheegeysaa.

“Hooyadey marki ay dhimatay laba bilood kaddib dhakhtarki ay hooyadeey ku xirneyd ayaa soo wacay walaasheey iga weyn, wuxuuna u sheegay inaan keligeey isbitaalka yimaaddo oo aan baaritaan caafimaad sameeyo ayuuna u sheegay” ayey tiri.

Wini hooyadeed iney AIDS u dhimatay maadaamaa uu dhakhtarku ogyahay inuu dhiiggeeda ka baaro ayuu dhakhtarka doonayaa waxa uu ula soo xiriiray.

Baaritaanki la sameyeyna waxaa dhiiggeeda laga helay faayraska HIV.

Wini qoyskeeda iyada ayaa u yar walaalaheedna faayrsaka wey ka caafimaad qabaan.

“Maxay tahay sababta aniga oo keli ah cudurka la iiga helay walaalaheyna looga waayey? su’aashaasi ayaa ahayd mid in badan maskaxdeyda ku soo noqnoqta oo aan jawaab u waayey si weyna noolasheyda saameyn ugu yeelatay.

Wini in mudda ah wey diiddaneyd iney dawada qaadato, hase yeeshee marka uu xanuunka ku saa’iday oo ay sariir fuushay ayuu maamulaha dugsiga ay dhigato uu dhakhtarka u sheegay sababta ay inta badan waxbarashada uga harto.

Kaddibna Maamulihi wuxuu gaarsiiyey macallimiinti kale, warkina wuxuu ku sii faafay in gabadhaasi laga helay faayraska HIV.

Intaa wixi ka dambeeyey noolasheeda ma noqon mid wanaagsan oo ardayda iyo macallimiintaba waxay billaabeen iney takooraan.

“Aadbaan uga xumaaday arrintaa, maxay iga dhibi lahayd haddii ay natiijada baaritaankeyga aniga ii sheegaan oo aan ogaado cudurka la iga helay? waxaan isku dayay inaan isdilo, haddana marki aan qayaasay haddii aan isdilo dhibka walaaladey soo gaari karo ayaan iska daayey” ayey tiri Wini.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka HIV waxay rabaan iney bulshada ku baraarujiyaan waxbarashada la xiriirta jinsiga iyo cudurrada galmada lagu kala qaado.

Dr Grifince Manguro wuxuu waaliddiinta uu kula talinayaa carruurtooda ay da’dooda u dhaxeyso 9-11 jir iney u sheegaan natiijadooda HIV-iiga ku saabsan isla-markaana ay ilmahooda si toos ah ugala hadlaan natiija kasta oo soo baxda.

“Ilmaha marka uu fahmo HIV waxa uu yahay oo loo sheego inuu faayrsaka qabo waxaa si fudud looga dhaadhicin karaa inuu sida ku habboon uu dawada u qaato, balse ilmaha oo aan xogta lala wadaagin oo laga qariyo waxay horseedeysaa iney carruurtu qaadanin dawadi loo baahnaa” ayuu yiri Dr Grifince Manguro.

Hase yeeshee, Briyan maadaamaa ay hooyadii iyada oo aan u sheegin inuu HIV uu hayo ay dhimatay, haddana kuma eedayo oo wuxuu aaminsan yahay sabab ay iiga qarisay oo ay iigu sheegi weyday hooyadii iney jirto.

COMMENTS
Latest News