caroog.net
Ilhan Cumar Oo Jabuuti Kula Kulantay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (Sawirro)
October 3, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Senator Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka oo dalkaa booqaneysa.

Geelle iyo ilhan ayaa ka wada hadlay xiriirka labadadal ee Maraykanka iyo Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Geelle uu ugu hambalyeeyey Ilhan horumarka ay ka gaartay siyaasada Maraykanka.

Ilhan Omar oo booqasho gaaban ku joogta dalka Jabuuti ayaa sidoo kale ka qeyb gashay xaflad soo dhoweyn ah oo xalay magaalada Jabuuti ay ugu sameeyeen haweenka dalkaasi, waxaana Ilhan oo hadal ka jeedisay munaasabadaas ayb haweenka Jabuuti ku amaantay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan siyaasada iyo maamulka dalkooda.

  

COMMENTS
Latest News