caroog.net
Indha Adayga Qaabka uu u difaacayo Wiil Uu Madaxweyne Muuse Biixi Adeer u yahay Oo Facebookga Axsaabta mucaaridka ka caayi jiray Oo Madaxtooyada laga shaqaalaysiiyay.
November 11, 2018 - Written by admin

Labaduba saxan; Madaxweynuhu saxan, sababta oo ah qodob dastuuri ah ayaa awood u siiyey in uu magacaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.

Dadweynuhu saxan, sababta oo ah iyana qodob dastuuri ah ayaa xaq u siiyey in ay ka falceliyaan ka faalloodaan, falanqeeyaan, faaqidaan oo lafo-guraan dhaqdhaqaaqa siyaasadda iyo afcaasha xukuumaddooda.

Somaliland waa dal dimuqraaddi ah. Ceeb iyo canbaar toona ma aha in sax iyo qalad lagu faaqido dhacdooyinka siyaasadda, isbeddelka iyo dookha Madaxweynaha waana toosnaan in la isku xaqsiiyo isla xisaabtan wal oo togan si waafaqsan sharciga iyo hannaanka dawladnimo ee ka dhexeeya muwaadin iyo masuul .

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
Latest News