caroog.net
Kaalintee Ayey Somaliland Kaga Jirtaa Dalalka Aan U Diyaarsaneyn La Tacaalida COVID-19 Ee Faraha Baas ku haya Aduunka Maanta?
March 19, 2020 - Written by caroog

Dalalka Carabta Iyo Bariga Dhexe Waxaa Qiimeyntu Sheegtay In Diyaar Garowga Cudurka Uu Ugu Horeeyo Dalka  UAE (0.76) Iyo Saudi Arabia (0.73)….

Walaw aan lakala saarin dal weynihii la isku odhan jiray Soomaaliya ee hadda labada dal ee kala madax bannaan ah ee Somaliland iyo Soomaali, ayaa haddana qiimayn la sameeyay lagu gorfeeyay dalalka u diyaarsan iyo kuwa aan u diyaarsanayn Xannuunkan halista badan ee hadda Aduunka aafeeyay, waxay labadan dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo la isku qaaday ay kaalinta ugu hoosaysa ka galeen la tacaalidda cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay qiimeyn cabiraysa awooda dalalku u leeyihiin la dagaalanka cudurada faafa.

Tusaha u nuglaanta cudurada faafa (IDVI) oo tilmaan u ah awooda uu waddanku ula tacaali karo cudurrada faafa, Somaliland iyo Soomaaliya waxay kujiraan kaalinta ugu hooseysa oo ah (0). 25-ka dal ee ugu nugul cudurkan ayaa 22 ka mid ah waxay ka mid yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Dalalka carabta iyo Bariga Dhexe waxaa qiimeyntu sheegtay in diyaar garowga cudurka uu ugu horeeyo dalka  UAE (0.76), Saudi Arabia (0.73), Kuwait (0.66), Masar (0.53), Lubnaan (0.54), iyo Ciraaq (0.43), iyadoo dalalka kale carabta ay dhibco ahaan ka sii hooseeyaan.

Kooxda soo saartay qiimeyntan oo la yidhaahdo IDVI waxay ku saleysay cabirkan todoba arimood oo tilmaamaya u nuglaanta cudurka, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, tirakoobka, daryeelka caafimaadka, ilaalinta fayo dhowrka dadweynaha, dhaqdhaqaaqa cudurka, siyaasada gudaha iyo siyaasada-caalamiga ah.

Qiimeyntan ayaa ku soo beegantay xili Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Maamulka Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coranavirus oo faro kulul ku haya caalamka.

COMMENTS
Latest News