caroog.net
Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay xaafada Soomaalidu degto ee Islii
May 6, 2020 - Written by caroog

Dalka Kenya ayaa laga helay maanta kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Corona Virus sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalkaas.

Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in 45 kiis oo cusub maanta oo keliya la helay, 29 ka mid ah kiisaska waxaa laga xaqiijiyey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Arrintan ayaa walaac hor leh ku abuurtay Soomaalida ku Nool xaafada Islii, iyadoo laga cabsi qabo in cudurka uu xaafadan ku sii faafo.

Dhinaca kale, Mas’uulyiinta Soomaalida ee dowladda Kenya iyo guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan khatarta dhanka cudurka Coronavirus ah ee ka dhalanaysa dukaamada qaadka lagu iibiyo.

Waxay bulshada Soomaalida, gaar ahaan dadka qaadka ka shaqeeya iyo kuwa isticmaala ugu baaqeen inay joojiyaan istiacmaalka qaadka, si loo yareeyo khatrta cudurka Coronavirus maadaama Qaadku uu kamid yahaya adeegyada uu sida fudud ugu faafi karo cudurka.

COMMENTS
Latest News