caroog.net
Ma Dhabaa In Madaxweyne Biixi Qorsheeyay Inuu Gudoomiyenimadda Kulmiye Si Ku Meel Gaadh Ah Ugu Wareejiyo Wasiir Maxamed Kaahin Shir Weynaha Bisha June?
March 18, 2020 - Written by caroog

“Madaxweyne Biixi Ayaa La Sheegay Inuu Arintan Uga-Golleeyahay Inuu Ku Qanciyo Beesha Wasiir Kaahin Oo Shaki Ka Qabto Inuu Booska Gudoomiyenimo Kulmiye Waydaariyo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay inuu Madaxweyne Biixi qorshaynayo inuu Gudoomiyenimadda Xisiga Kulmiye si ku meel gaadh ah ugu wareejiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Bisha Juun ee fooda inagu soo haysa.

Warar aan si rasmi ah wali usoo shaac bixin ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi iyo Saaxiibkiisa ugu dhaw, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed uu maalmihii u dambeeyay uu soo kala dhex galay madmadaw iyo isfaham la’aan dhinaca mustaqbalka KULMIYE ahi, taasi oo sababtay inuu Wasiir Maxamed Kaahin jawaab waafi ah u waayo su’aalo badan oo kaga imanayay dhinaca Beeshiisa taasi oo ku saabsan mustaqbalka Gudoomiyenimada Kulmiye iyo cidda uu damacsan yahay Madaxweyne Biixi inuu ku wareejiyo, taasi oo uu xiitaa Maxamed Kaahin Itaalo iyo niyad u waayay uu ku horjoogsado shir Siyaasadeedka Shalay Burco uga furmay Beeshiisa iyo Beesha Garxajis.

Dhinaca kale waxa uu dareen xooglihi ka dhashay warar ku saabsan inuu Madaxweyne Biixi damacsan yahay inuu Gudoomiyenimada Kulmiye ku wareejinayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) taasi oo abuurtay waji kale iyo inuu culays badani iyo Guux hoose ka yimaado Dhinaca Beesha Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo muujisay dareen ah inaanay Xisbiga KULMIYE Waxba  u oolin Wasiir Kaahin Iyo Wasiirkii hore Madaxtooyada Somaliland toona,oo isna hore u shaaciyay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo booskaasi balse tan iyo maalintaasi dibad wareeg ka ah Xafiiska Kulmiye iyo ka qaybgalka shirarka hoose iyo hawl maalmeedka Xisbiga.

Haddaba marka arimahan la isku soo xooriyo, waxa ay warar aanu helaynaa ay sheegayaan inuu Madaxweyne Biixi hadda iskugu biyo shubtay oo uu qorsheeyay inuu soo gunaanado hadal haynta ku gadaaman Mustaqbalka Gudoomiyenimadda Kulmiye islamarkaana uu damcay inuu Gudoomiyenimada Kulmiye si ku meelgaadh ah ugu wareejiyo Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, marka la gaadho Shir weynaha Xisbiga Kulmiye ee la qoondeeyay inuu qabsoomo Bisha Jun ee Sanadkan 2020-ka.

COMMENTS
Latest News