caroog.net
Ma Meel Bedqabtaa Jirta Somaliland Hay’adaha Dawladdeenna Min Madaxtooyada Ilaa Hay’adda Shaqaalaha? W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan.
June 10, 2019 - Written by admin

“Heego Waa Dalluun Hulan Iyo Foosta Gunta Ka Daloosha. Ma Xishoodaan, Waxna Ma Deeqaan Aan Xabaal Iyo Ciid Ka Ahayn. Dab Liqaaannu Idin Nidhi!”

Ma meel bedqabtaa jirta Somaliland hay’adaha dawladdeenna min madaxtooyada ilaa hay’adda shaqaalaha?Hay’adda shaqalaaha markii mashruuca dib u habaynta iyo tayaynta shaqaaluhu bilowdayba sawtii la musuqmaasuqay shaqaalihii loo qaadanayey hawshaas ee magacyadooda la is weydaariyey.

Beensan maayo inta Goobjoog TV sheegay iyo wax ka sii daraniba in ay dhici karaan, soona bixi karaan haddii la sii fatisho.

Aaway baadhitaannadii musuqa ee hantidhawrku bilaabay? Guri ba’ay!

Haddana waxa aan maqlayaa, run iyo been kii ay noqon mooyiye, in xukuumadda dhinaca ka raran ee tayada liidata ee Muuse Biixi ku jirto hindisa ah in Burco laga soo wareejiyo mashruucii Jarmalku dib ugu dhisayey dugsigii farsamada gacanta ee Burco ee Jarmalku gacanta ku hayn jirey xilligii xukuumaddii Soomaaliya.

“Ma Heegada wixii soo baxaba boobta baad tahay?
Ma Heegada mashaariicda badan baydhsataad tahay”! Cabdifataax Rashiid Maxamed.

Heego waa dalluun hulan iyo foosta gunta ka daloosha. Ma xishoodaan, waxna ma deeqaan aan xabaal iyo ciid ka ahayn. Dab liqaaannu idin nidhi!

COMMENTS
Latest News